Madax-dhaqameedka iyo Salaadiinta Deegaanka Bariga Hargeysa Oo Baaq Kasoo Saaray Biyo La’aan Baahsan Oo Soo Food-saartay Deegaankaas
Hargeysa(OWN )-Madax-dhaqameedka, Salaadiinta iyo Gudida Qoryaale ee Deegaanka Bariga Hargeysa ayaa si wada jira baaq uga soo saaray, Biyo la’aan baahsan oo soo food-saartay Deegaanada Sabawanaag iyo Cadaadley.Madax-dhaqameedka iyo Cuqaasha Deegaankan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa ay cod dheer ugu baaqeen, Xukuumada,Haayadaha Caalamiga ah iyo Qurbajooga kasoojeeda deegaankan in gurmad degdeg ah lala soo gaadho bulshada jilicsan ee Deegaanada Sabawanaag iyo Cadaadley oo todobaadyadii ugu danbeeyey xaalad adag ku jiray. Taasi saamaysay dad iyi duunyo wixii ku noolaa deegaankan.
Madax-dhaqameedka iyo Salaadiinta deegankan ayaa waxa ay sidoo kale tibaaxeen in aanay haba-yaraatee wax gurmada ka haynin xukuumada iyo haayadaha maxaliga ah ee dalka ka hawl-gala iyagoo isla markaasina , soo ban-dhigay inay haayadaha dawliga ah ee arimahan ku shuqule uga fadhiyaan inay kaalintoodii banaan tahay lagana sugaayo inay sida ugu dhakhsaha basan uga soo jawaaban, baahiyaha daran ee biyo la’aaneed ee ka taagan deegaanadan Sabawanaag iyo Cadaadley oo ay tilmaameen in xukuumadu u haysato in aanay biyo la’aani ka jirin amaba aanay cidi ku noolayn
Iyadoo ay jiraan deegaano badan oo la qaba biyo-yaraantan ba’an ee dalka qaybo badan oo kamida saamaysay ayaa hadana deegaankani waxa uu kamid yahay , deegaanada ugu daran dhanka dadka iyo duunyadaba.













