Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Oo Xildhibaano Ku Tilmaamay Alshabaab
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Somaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa ku tilmaamay Xildhibaanadii Baarlamaanka fowdada ka dhex sameeyay maanta inay yihiin Shabaab.
Goodax Barre ayaa sheegay Xildhibaanadaasi qorshahooda uu ahaa inay carqaladeeyaan Kulanka Baarlamaanka, islamarkaana ay taasi u hirgashay.
Isaga oo caro badan ay ka muuqato ayaa Xildhibaan Goodax Barre wuxuu farta ku fiiqay Xildhibaan dhinaciisa maraayay oo uu ku sheegay in Shabaab uu ka mid yahay.
“Wakiilo Shabaab, ayaa Baarlamaanka dhex jooga, Shabaabka wuxuu rabay in Baarlamaanka fowdo ka dhacdo, dad sheeganaya Xildhibaano waad arkeyseen meesha waxa ay ka sameeyeen, shacabka Somaliyed waxaan u sheegayaa wajiyada aad maanta halkaan ka aragteen inaad si fiican u fiirisaan waa Shabaab.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre.
Kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa ku soo dhamaaday fowdo & buuq kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku kala aragti duwanaadeen Saxaafadda in banaanka loo saaro & inay joogaan.




