Qarax Gaadhi Oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Qarax xoogan oo laga maqlay Magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw oo caawa ah ka dhacay aagga xarunta Tababarka Ciidanka Booliska Somaliyed ee Genral Kaahiye (Iskool Buluusiya).
Qaraxan oo la sheegay in loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay meel ku dhaw xarunta Booliska ee General Kaahiye.
Qaraxa kadib waxaa la maqlay rasaas fara badan, lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan iyo faah faahinta dhameystiran.
Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaast ayaa ku sii jeeda goobta uu Qaraxa ka dhacay, si ay u soo qaadaan dadka ku waxyeeloobay qaraxan.
Qaraxan ayaa ku soo aaday kadib markii shalay Taliye kuxigeenka Booliska Somaliya Zakiyo Xuseen Axmed ay shacabka uga digtay gaari PRADO ah oo qarax sida, kaasi oo ku jira Magaalada.
Ciidanka ammaanka ayaa maalmahan adkeeyay amniga Magaalada Muqdisho, waxayna xireen wadooyinka qaar ee Magaalada, sidaas oo ay tahayna weli ma joogsan Qaraxyda ay geysanayaan Mintidiinta Al Shabaab.




