Siyaasi Khadar Figaase oo ka hadlay Ceelka Riigga Oodweyne

Siyaasi Khadar Figaase Dubbad oo ka mid ah siyaasiyiinta Gobolka Daadmadheedh, ayaa maanta ka war bixiyay halka uu maraayo ceelkii Riigga ahaa ee laga qodaayay magaalada Oodweyne. Haddaba Siyaasiga oo ka war qoraal ah soo gaadhsiiyay xafiiska Oodweynenews uu ku leeyahay magaalada Oodweyne ayaa waxa uu u dhignaa, sida tan:–

 

” Marka hore waxa aan salaamayaa akhristayaasha warkan. Sida aynnu ognahay waxay xakuumaddu Oodweyne ka wadday ceel riig ah, kaas ahaa baahida ugu daran ee ay bulshadu qabtay.

Waxa aan haddaba bulshada ugu bishaaraynayaa in ceelkii biyo laga helay oo uu gebogabo yahay. Waxa aan xukuumadda uga mahadcelinayaa sidii ay hawshaa uga soo dhalaashay. Waxa sida oo kale aan hawsham si gaar ah uga mahadcelinayaa Madaxweyne Muuse Biixi oo ballanqaadkiisii sida ugu wanaagsan uga soo baxay. Waxa aan leeyahay madaxweyne ku mahadsanid sida aad hawshaa uga soo dhalaashay.

Sida oo kale waxa aan uga mahadcelinayaa bulshada oo Oodweyne oo si hagar la’aan ah ula shaqeysay xukuumaddeeda, waxaan leeyahay, waan in aynnu wada shaqeyno si aynu guul u wada gaadhno dhammaanteen.

Siyaasi Khadar Figaase Dubbad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker