Jabuuti Oo Cadoowga Somaliland Ah Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Ma U Gacan Gelin Karaa ?

Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda Jabuuti Awood Ma U Leeyahay Inuu Jamhuuriyadda Somaliland Ku Cadaadiyo In Gacanta Loo Soo Geliyo Ganacsade Axmad Cusmaan Geele Oo Ah Muwaadin Asal Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland, Muwaadinna Laguma  Noqdo Wadan Kale Baasaboorkiisa, Beesha Uu Ka Soo Jeedaana Yahay Beesha Arab Oo Halgankii Wadanka Lagu Xoraynayey Qayb Wayn Ka Ahaa, Gaar Ahaan Maalintii Ay Jabhadda SNM Soo Gashay Caasimadda Hargaysa 31.5.1988, Xoraynta Hargaysa Waxaa Ku Suntan Beesha Arab Oo Lagu Beegay Xeryihii Waawaynaa Ee Milateriga Soomaaliya, Waxayna Ka Dhigeen Wacdaro La Yaab Leh, Halka Beelaha Kale Ay Xaafadahooda Ka Dhex Dagaalamayeen, Beesha Arab Waa Beesha Laga Waayey Deegaamadooda Dad U Basaasiina Taliskii Muxammad Siyaad Barre Waana Ta Keentay Inay Jabhadda SNM Ay Aaminaan Inay Taliska SNM Ka Dhigtaan Deegaamadda Arabka, Gaar Ahaan Baligubadle Oo Hargaysa U Jira 60 Km
Wakhtigii Madaxwayne Muxammad Xaaji Ibraahim Cigaal Allaah(Swt) Ha U Naxariistee Ay Isku Kacsanaayeen Siyaasi Sulaymaan Muxammad Aadam Oo Doonayey Inuu Kursiga Kala Wareego, Sulaymaan Wuxuu Taageero Aad U Wayn Ka Helayey Beelihii Halganka Kuwada Jiray, Golaha Guurtida, Beelihii Halganka Lagaga Badnaa, Saraakiishii SNM, Madaxdhaqameedka, Ganacsatada, Aqoonyahanka, Madaxdhaqameedka Somaliland Waxay Iskugu Yimaadeen Caasimadda Somaliland Ee Hargaysa Waxaanay Wadeen Dhaqdhaqaaq Guurtida Laga Dhaadhicinayo Inay Madaxwayne Cigaal Kalsoonida Kala Noqdaan, Yagoo Qodobo Badan U Cuskanaya Ama Doorasho Wakhtigeeda Laga Soo Hormariyo Si Xalaala Loogu Tartamo Yadoo Aan La Bixinayn Laaluush Lagu Kala Jiidanayo Xildhibaanadda Golaha Guurtida, Madaxwayne Cigaal Allaah(Swt) Ha U Naxariistee Wuxuu Heegan Culus Geliyey Booliska Iyo Milateriga Waxaana Amar Lagu Siiyey In La Soo Qabto Dhamaan Madaxdhaqameedka, Madaxdhaqameedkiina Waxay Ka War Heleen In Lala Doonayo Xadhig, Waxay Galeen Shir Albaabadu U Xidhan Yihiin Waxay Falanqeeyeen Beelaha Hargaysa Dega Beesha La Aamini Karo Ee Madaxdhaqameedka Magan Gelyo Siin Karaya , Difaaci Karana, Madaxdhaqameedkii Waxay Isku Raaceen Beesha Arab Oo Ah Beel Raganimo Ku Dhan Tahay, Lana Aamini Karo, Balanta, Amaanada Iyo Wacadkana Yaqaana.
Madaxwayne Cigaal Wuxuu Duldhigay Degmadda Axmad Dhagax Milateriga, Boolis, Kaarayaal, Beebeeyo, PM-yo Waxaana Beesha Arab La Siiyey Sadex Saacadood Gudahood Inay Madaxdhaqameedka U Soo Gacan Geliyaan Ciidamadda Milateriga Iyo Booliska, Madaxdhaqameedka Beesha Arab Waxay Cod Midaysan Ku Dhawaaqeen Haddii Aanu Nahay Beesha Arab Inaanu Difaacayno Wixii Awoodayada Ah Madaxdhaqameedka Somaliland, Cigaalna Aanu Hargaysa Isku Baran Doono.
Waxaan Uga Socdaa Madaxwaynaha Jabuuti Shimbir Duul Duul Barataa Af Libaax Ayey Gashaa, Ha Ku Daalin Ayaan Ku Odhan Lahaa In Ganacsade Axmad Cusmaan Geele Laguu Soo Gacan Geliyo, Ha Is Moodin Itoobiyaddii Qalbi Dhagax Loo Gacan Geliyay, Ganacsaduhuna Wuxuu Ka Dhashay Beel Ixtiraam, Qadarin Iyo Xushmad Ku Leh Beelaha Somaliland, Beelaha Somalilandna Waxay Ka Xigaan Dagaal Hubaysan Haddii Si Fudud Loogu Gacan Geliyo Jabuuti!!!!!!!!.
Madaxwayne Geele Waxaan Leeyahay Wixii Xisaaba Ee Idiinka Dhaxaysa Waa In Lagu Xisaabtamo Caasimadda Somaliland Sababtoo Ah Ganacsato Hore Oo Aad Is Qabateen Oo Aad Maslaxaad Iyo Qiyaamo Ku Soo Xero Gelisay Waxaad Ugu Abaal Guday Inay Xabsiyada Ku Dhamaystaan Noloshooda, Ganacsato Badana Waxay Magangalyo Ku Joogaan Wadamada Muslimka, Wadamadda Yurub, Maraykan Iyo Kanada.
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker