DHAQANKA JAAHILIGA AH EE UMMADDEENU KU DHAQANTAA WAA GIDAAR ADAG. DHAXAL WAREEJIN BAA KU XIGA.

Waxaynu wada ognanahay inaynu KU dhaqano dhaqan JAAHILIGA ah ee Qurayshtii iyo Carabtiiba KU dhaqmi jireen diinta Ka hor weli Illaa yomanaa hadaa wax badani weli jiraan wax badanna Diinta Islaamka ay Ka baabisay Carabta. Inaga Somali sheegata dhaqankii JAAHILIGA ahaa ee Diintu Ka soo horjeeday OO weli xeerarka Somalidu KU dhaqanto ee nolosha dhinac kasta ood eegto hadday dhaxal Tay hadday dhiigtay, hadday IYO hadday dhaqaale tahay . U kuurgal dhaxalka waxaynu sidaynu yeello Diinta maba raacno ee xeer jajab la mida kii Qurayshtii iyo Carabtii Diinta Ka hor Isticmaali jireen baynu raacnaa. Dhiigga maba raacno sida Quraanku leeyahay ma yeelno umana dhowin ee dhaqankii JAAHILIGA ahaa baynu KU dhaqannaa , u fiirso magteenna haddii wax yar la bixiyo xittaa Sannaday qaadataa badina aar goosi dhaqan JAAHILIGA ah baynu KU dhaqannaa. Xagga shaqaalaha kii JAAHILIGA ayeynu KU dhaqannaa ee is boobka ,dhaca ahaa ( HA LA QADHAMSADO NIN QUWAAX HELA NIN ISKABA QADA). Nolosha aynu KU jirno dhaqan ahaan Distoor la xar xariiqay, Dimoqraadiyad la sheeg sheego, Dawladnimo lagu riwaayadeeyo waxaasoo dhan waxaa Ka adag oo hortaagan dhaqan JAAHILIGA aynu KU dhaqano marka la tooso Illaa la seexanayo. Madaxweyne kasta waxaa hor taagan oo Ka hor imanaya DHAQANKA JAAHILIGA ah ee ummaddu ee ummaddu (practice) to. Waxyaalaha dawladnimadeena hortaagani maaha Madaxweyne Xun ee waa dhaqan xumo jaahiliya oo Gidaar adaga.

Nebi Mohamed (CSW) markii Diinta Allah KU soo dejiyey Wuxuu dagaal adag la galay dhaqan Xumadii JAAHILIGA ahayd oo weli Carabta oo weli (remnants) badani jiro illaa maanta inagana  weli Diinta ummaddu aqoona Uma laha weynu Ka darannay Quraydii hadalada ahayd siday u noolaayeen baynu u dhaqannaa. Dumarka weli weynu yasnaa, dhacnaa iyo Caruurtaba iyo qof kasta oo laga Xoog weynyey meeshuu joogo waa sidaa dhaqankeenu maanta. Wadaadu ummadda way wacdiyaan oo wax way bar Baraan laakiin (effective) maaha umana dhowa in ay ummaddu wax Ka bedelaan  si joogto ah laakiin Xoog ay dhaqan xumada JAAHILIGA ah KU suuliyaan ma HAYAAN hadaba halkan ay Dawladnimadeenu ka tallaabsan la day ee ay Ka tabaalaysantay waa DHAQANKA JAAHILIGA ah ee madaxyadeenna Ka buuxa, Xisbiyo ,qabiilooyinkeenu Ka waalan yihiin Dimoqraadiyad iyo waxaasi Ka dhaqaaqi la yihiin waa Casrul Jaahiliya baynu KU soconaynaa oobku noolahay. Xukuumadaa iyo maamuladu si kasta oo ay ugu daydaan Dawladaha horuumaray xagga  Ismaamulka KU guulaystay oo si kasta oo dharkooda iyo (tie) qoorta la soo sudho shaqaynmayso. Waayo shacabkii iyo fikirkii Jaahiligii buu KU jiraa fikirkii jaahiligii buu KU qotomaa iyo reer Hebelkii ,ha la qadhamsadodii. Horuumar afkaa ha laga hadal hayo laakiin ummaddu kama sarfaafayso .ummaddii Dunida oo mandaqaddii Somalida KU Soo duulay baynu ARAGNAA oo iimaan laawayaal inaga ani hor kacayaan, xayaaanka inagoo so taagan baa la gurtaa iyo dhirtaba. United Arab Imarate waa Duullaan ee ummuu Iman inuu kula baayac Mushtareeyo, Jaahiliyadda dhulalka Somalida Ka jirta ayaa la dersay waxaan goaana in Somalida la dhaxal wareejiyo inta lacagtaa yar ee indha Sarcaadka ah la tuso iyi nolol (artificial) iyo debed wareeg sida reer Siilaanyo ba KU dambeeyeen.
Suaal weeye Madaxweyne Muse Biixi miyuu isna u guuri doonaa Dubai beri dhaw.
M Bashe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker