“ Waxaan aad u cambaareynayaa falkii saaka lagu weeraray Xarunta Telefishinka Universal …” Madaxtooyadda Soomaaliya

Madaxtooyadda Somaliya ayaa waxa ay ka hadashay falkii Ciidamo ka tirsan kuwa qaada Canshuuraha ay ku weerareen Xarunta Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho.

 

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada, wuxuu si adag ugu cambaareeyay falka lagu weeraray Xaruna Tv-ga.

 

“Waxaan aad u cambaareynayaa falkii saaka lagu weeraray Xarunta Telefishinka Universal oo ahaa mid fool xun oo lid ku ah xorriyadda hadalka.”

 

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya ayaa sidoo kale sheegay in kiiska arrintaan hadda ay gacanta ku hayaan Taliska Ciidamada Booliska, uuna rajeynaayo in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay weerarkaasi.

“Waxaa haatan kiiska gacanta ku haya Taliska Booliiska, annaga oo rajeynayna in caddaalada la horkeeno ciidankii ka tirsanaa ilaalada canshuurta ee saaka dhibaatada geystay.”

 

Ugu dambeyn Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya ayaa sheegay in aanan marnaba loo dulqaadaneyn Ciidanka loogu talo galay ilaalinta sharciga inay iyaga sharcidaro sameeyaan.

 

“Marnaba loo dulqaadan maayo in ciidankii ay shaqadooda ahayd in ay ilaaliyaan sarreynta sharciga ay isla iyagii qaar kamid ah ku tuntaan sharciga dalka u yaalla.”

 

“Waaan maamulka iyo shaqaalaha telefishinka u xaqiijinayaa in ay caddaaladda wajihi doonaan kuwa ku eedeysan falkii saaka, waxaana ku bogaadinayaa adkeysiga ay muujiyeen iyo in aysan hawshii uu telefishinka u hayay bulshada ay halkeeda kasii socoto.”

Cabdi Nuur Maxamed Axmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker