Nin Hubaysan Oo Ku Dilay Laba Qof Laba Kalena Ku Dhaawacay Magaalada Seattle Ee Maraykanka
Wararka magaalada Seattle ee dalka maraykanka ayaa sheegaya in Booliska Seattle ay sheegeen in 2 qof lagu dilay, 2-kalena si xun loogu dhaawacay toogasho ka dhacday magaalladda Seattl.
Nin hubeysan ayaa la sheegay inuu toogtay 2 qof oo gaadhi wadatay iyo Bas ka dhex shaqeeya magaalladaasi, kaasi oo sababay inuu dhaco shil gaadhi.
Toogashadan ayaa dhacday shalay galab, xilli uu mashquul xooggan ka jiray Waddooyinka magaalada Seattle, Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inuu ku baxsaday gaadhi uu dhacay.
Waxaana Booliska waxay baacsadaanba ninkaas ay u dhaawaca geystay, kaasi waxaana haatan lagu daaweynayaa Isbitaalka, iyadoo ilaalo laga hayo.




