Suuriya Oo Qaramada Midoobay Ugu Baaqay In Kulan Laysugu Yimaado Ku aadan Buuraha Golan
Dowlada suuriya ayaa ugu baaqday golaha amaanka ee qaramada midoobay in kulan deg deg ah laga yeesho go,aanka Mareykanka uu ugu aqoonsaday Buuraha Golan dhul ka mid ah Israeli.
Trump ayaa isniintii saxiixay in Mareykanka uu u aqoonsan yahay Golan dhul Israel ah waxaana ka carooday dowlada Suuriya.
Israel ayaa ka qabsatay Golan Heights Suuriya sanadkii 1967-dii kadib dagaal ay la gashay wadamada carbeed.
Isreal ma joojin dagaalka ay ku dooneyso lahaanshaha Golan oo sadex markii loo qeybiyo ay heysato.
Sanadkii 1981-dii ayaa qaraar ka soo baxay qaramada midoobay waxaa lagu cadeeyay in Israel ay joojiso ku xadgudubka xeerka caalamiga inkastoo Israel ay gaashaanka u daruurtay.




