Qarax Xoogan Oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax xoogan ayaa caawa wuxuu ka dhacay xaafada Laba Dhagax ee Degmada Wartanabadda gaar ahaan meel ku dhaw Maqaaxida Al Nasri, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxan oo jugtiisa si weyn looga maqlay caawa qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa ka dhashay Miinada nuuca dhulka lagu aaso, taasi oo la geliyay wadada dhinaceeda.

Ilo dhanka ammaanka ayaa sheegay Qaraxan in ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo shacab ah, kuwaasi oo durba loola cararay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

 

Taliyaha ciidanka Booliska Degmada Wartanabadda Xuseen Cad-ceed ayaa   sheegay inay ku daba jiraan raggii falkan ka dambeeyay oo uu ku eedeeyay Ururka Al Shabaab.

Gelinkii hore ee maanta ayaa baraha bulshada aad looga hadal hayay in laga digtoonaado gaadiid Qaraxyo sida oo gudaha Magaalada ku dhex roondeynaya, inkastoo Qaraxa caawa dhacay uusan aheyn mid gaari.

 

Dowladda Somaliya ayaa u muuqata inay faraha ka taagatay ammaanka Muqdisho, kadib markii Magaalada tan iyo Sabtidii ina dhaaftay ay si joogto ah uga dhacayeen Qaraxyo.

Mintidiinta Al Shabaab ayaa dardar geliyay falalka ammaanka ka baxsan ee ay ka geysanayaan Muqdisho sida Qaraxyada, Dilalka iyo Weerarada tooska ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker