Madaxweyne Donald Trump oo ugu baaqay Ruushka Inay ciidankooda kala Baxaan Dalka Venezuela

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ruushka ugu baaqay in ciidankiisa uu kala baxo Venezuela waxaana uu ugu digay hadii ay dhicin in ay furnaan karto doorasho kasta.

Laba diyaaradood oo kuwa dagaalka iyo 100 askari oo ka tirsan ciidanka cirka Ruushka ayaa ka degay banaanka hore ee magaalada caasimada ah ee Caracas maalintii axada taasi oo keentay in sare uu u kaco qalalaasaha siyaasadeed ee Venezuela.

Ruushka iyo shiinaha ayaa horay u taageeray madaxweyne Nicolas Maduro, halka wadamada reet galbeedka ay garab istaageen hogaamiyaha mucaaradka Juan Guaido.

Guaido ayaa ayaa bishii Janaayo isku dhaariyay xilka waxaana uu sharci daro ku tilmaamay dib u doorashadii Maduro ee sanadkii 2018-ka.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker