Wasiir Guri-barwaaqo Oo Musuqmaasuq Loo Haysto ,Hadana Dadka Aflagaadaynaya , Kalsooni Uu Ka Qabo Madaxweyne Muuse Biixi Darteed
Waxa soo baxay oo suuqyada soo galay toddobaadkan in xabsiga loo taxaabay Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Faarax Guri-barwaaqo, laakiin Wasiir Guri-barwaaqo ayaa markii ay wararkaasi soo baxeen lagu arkay isagoo munaasibad ka qayb galaya, waxaanu isagoo u jawaabay dad uu sheegay inay wararkaas faafiyeen uu yidhi “Halkan dad badan ayaa iga arkaya ilaa xalay waxbaa la werinayay, wax garad ciddi u sheegi mayso oo wuu arkayaa, qofkii maangaab ahna ciddi waxba u sheegi mayso.”




