Maareeye Ku Xigeenka Madbacadda Qaraku Wuxuu Tacsi U Dirayaa Marxuum Cabdi Yuusuf Maxamed Nuur
Maareeye ku xigeenka Madbacadda Qaranka Jamhuuriyadda Soomaalilaan mudane Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan isagoo ku hadlaya magaciisa wuxuu tacsii tiiraanyo leh u dirayaa Alle ha u naxariistee marxuum Cabdi Yuusuf Maxamed Nuur oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa, saaka oo taariikhdu tahay 24-3-2019 lagu aasay magaalada Hargeysa.
Maareeye ku xigeenku wuxuu marxuumka ka tacsiyadaynayaa qoyskii, qaraabadii, asxaabtii, gaar ahaan reer Maxamed Nuur oo uu ka baxay marxuumku. Waxaanu Illaahay ugu baryayaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadiina uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo. Ammiin Ammiin Ammiin




