Madaxweyne Farmaajo Oo Tacsiyadeeyay Geerida Wasiir Saqar iyo dadkii Soomaaliyeed ee ku shahiiday weerarkii Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay Alla ha u naxariistee dadkii ku geeriyooday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 

Halkaan Hoose ka Akhriso Tacsida madaxweyne Farmaajo uu diray:-

“Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto dhammaan dadkii ku shahiiday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta dhacay oo uu kamid ahaa Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirku waxa uu ahaa nin afgaaban, edeb badan, waddani ah, dalka iyo dadkana ugu adeegay si daacadnimo iyo hufnaan ay ka muuqato.

Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago in shacab iyo ciidanba loo midoobo kooxaha argagixisada ah ee maalin walba doonaya in ay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed, burburiyaan hantidooda, barakiciyaana maatida si aysan u hana qaadin dowladnimadeeda.

Sugidda nabadgalyada waa masuuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga, waana in ay dardargeliyaan hawlaha loo igmaday si looga hortago dhagarta ay kooxaha argagixisada ahi la maagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, shacabkuna waa in ay gacan ka geystaan sugidda nabadgelyada.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker