51 Carruur iskuul ah Oo La-afduubtay Kadibna Dab Qabadsiiyay, Iyo Nin U Dhashay Dalka senegal Oo Loo Xidhay
Bas ay saaran yihiin 51 carruur iskuul ah ayuu afduubtay nin darawal ah ka dibna dab ayuu ku qabadsiiyay meel u dhaw magaalada Milan ee dalka Talyaaniga.
Carruurta oo qaar ka mid ah ay gacmaha ka xidhxidhan yihiin ayaa laga soo badbaadiyay daaqadaha oo la jajabiyay, mana jiro mid ka mid ah oo si wayn ugu dhaawacmay. Afar iyo toban qof ayaase ku neef qabatoobay qiiqa.
Darawalka oo ah 47 jir Talyaani ah balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Senegal ayaa la xidhay.




