Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga Oo Shaaciyey In Turkiga iyo Iran Weerar Wadajir ah Ku Qaadeen Xoogaga Kurdida
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga ayaa shaaciyey in ciidamada labada dal ay Isniintii shalay weerar wadajir ah ku qaadeen xarumaha xoogaga Kurdida ee loo yaqaan PKK oo ku sugan xaduuda u dhaxeysa labadaasi dal. Suleyman Soylu Wasiirka arrimaha Gudaha Turkiga wax faah faahin ah kama bixin hawlgalkaasi oo noqonaya kii ugu horeeyey oo ay si wadajir ah u sameeyaan labadaasi dal ee jaarka ah.
Xoogaga Kurdida ee ku sugan xaduuda u dhaxeysa dalalka Turkiga, Ciraaq, Siiriya iyo Iran ayaa u dagaalamaya wadan u gaar ah Kurdida.

Tan iyo markii uu burburay wadahadalkii u dhaxeeyey dowlada Turkiga iyo PKK sanadkii 2015 ayey xukuumada Ankara dardar horleh galisay weerarada ka dhanka kooxdaasi oo ay u aqoonsan tahay Argagaxiso.
Dhinaca kale Axadii lasoo dhaafay ayey sidoo kale iska horimaadyo dhexmareen ciidamada dowlada Ciraaq iyo kooxda PKK ee ku sugan waqooyiga wadanka Ciraaq oo ah halka ay ku leeyihiin saldhigooda u weyn.
Kooxaha Kurdida ee hubeysan ayaa u muuqda in ay cadaadis xoogleh xiligan kala kulmayaan afarta dal ee Turkiga, Ciraaq, Iran iyo Siiriya.
Ciidamada Turkiga ee ku sugan waqooyiga Siiriya ayaa horey ugu baaqay in Maraykanka ciidamadiisa kala baxo deegaankaasi ay u badan yihiin shacabka kurdida, Maraykanka ayaa taageero militari siiya xoogaga Kurdida oo ku jira ciidamada SDF ee la dagaalamaya kooxda Daacish.




