Xukuumadda Somaliland Waa Inay Ka Faaidaysato Dagaalka Qotada Dheer Ee Ka Dhexeeya Eriteriya Iyo Jabuuti.

Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa
Somaliland Republic.

Wadanka ?? Eriteriya Iyo Jabuuti Waxaa Ka Dhexeeya Dagaal Qoto Dheer, Oo Dhoowr Jeer Dagaal Ku Dhexmaray Jaziirado Ay Labadda Wadan Isku Haystaan, Inkastoo Jabuuti Ay Ku Andacoonayso Inay Leedahay Jaziiradda Dumeera, Eriteriyana Qaybo Jaziiradda Ka Mida Ay Sheeganayso, Balse Jaziiradda Dumeera Waxaa Xoog Ku Qabsaday Wadanka Eriteriya Wakhtigii Ay Ka Guureen Ciidamaddii Nabad ILaalinta Ee Ka Socday Wadanka Qadar Ama Qatar ??!!!!, Wakhtigii Itoobiya Ay Ka Dhaceen Isbedelka Siyaasadeed Oo Raysal Wasaare Loo Magacaabay Abiy Ahmed,

Raysal Wasaaraha Itoobiya Wuxuu La Yimi Siyaasad Furfuran Wuxuu Socodkiisii Ugu Horeeyey Ka Bilaabay Eriteriya Si Uu Colaadii Boqolaalka Qof Ku Kala Dhinteen Uu Ku Bedesho Nabad, Horumar Iyo Is Dhexgalka Labada Shacab, Raysal Wasaare Abiy Ahmed Wuxuu Qaramadda Midoobay U Gudbiyey Warqad Uu Kaga Codsanayo In Cuna Qabataynta Laga Qaado Eriteriya, Abiy Ahmed Cuna Qabataynta Eriteriya Laga Qaado Wuxuu Dhaafsanayaa Dano Fara Badan Oo Ka Qaalisan Waxaana Ka Mida Ganacsiga Itoobiya 85% Inay Eriteriya Kala Soo Degaan,

Waxna Ay Ka Dhoofiyaan, Maraakiibtooda Dagaalka Sidii Ay Uga Hawlgeli Lahaayeen Xeebta Eriteriya, Jabuuti, Somaliland, Soomaaliya Iyo Wadamadda Kale Ee Xeebaha Leh, Eriteriyana Ay Noqoto Wadanka Koowaad Ee Kala Shaqeeya Sidii Ay Wadamadda Kale Ee Xeebaha Leh Uga Dhadhicin Lahayd Inaanay Itoobiya Idiin Qabsanayn Balse Ay Doonayso Xeebo Ay Kiraystaan Ama Loo Ogolaado Inay Ka Hawl galaan Maraakiibtooda Dagaalka, Eriteriya Laftigeeda Waxaa Jabuuti Ka Dhexeeya Ficiltan Siyaasadeed Oo Ay Ku Doonayso Sidii Ay Somaliland Xidhiidh Qoto Dheer Ula Yeelan Lahayd, Eriteriya Dani Uguma Jirto Inay Xidhiidh Isbahaysi Samaystaan Somaliland Iyo Jabuuti,

Sababtoo Ah Jabuuti Waa Wadan Aad U Yar Oo Dadkoodu Noqonayaan Ugu Badnaan Shan Boqol Oo Kun Umana Babac Dhigi Karaan Ciidamadda Eriteriya Haddii Ay Ku Soo Ruqaansadaan, Jabuutina Waxay Ciyaaraysaa Siyaasad Dib Loogu Midayn Lahaa Wadanka Soomaaliya Iyo Wadanka Somaliland Si Ay Jabuuti U Hesho Garab Iyo Ciidamado Loo Geliyay Maryo Shicib Oo La Dagaalama Eriteriya Si Jabuuti Loogu Soo Celiyo Jaziiradda Dumeera, Halka Eriteriyana Ay Doonayso Inay Ka Mid Noqoto Wadamadda U Ololaynaya Sidii Somaliland Loo Aqoonsan Lahaa Ama Eriteriya Ay U Noqon Lahayd Wadanka Ugu Horeeya Ee Somaliland Aqoonsada!!!!!!!, Eriteriya Iyo Jabuuti Waxay Ciyaarayaan Siyaasad Xulafaysi Oo Ay Kala Jiidanayaan Somaliland Inay Noqoto Wadan La Aqoonsaday, Iyo Somaliland Inaanay Noqon Wadan La Aqoonsan Yahay Balse Khasab Lagaga Dhigo Midnimo Ay La Gasho Soomaaliya.

Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Maxaa Uga Meel Yaala Jabuuti Iyo Eriteriya Labadooda Wadanka Ay Dani Ugu Jirto Qaranimadda Somaliland???????!!!!!!!.
Mise Madaxwayne Muuse Biixi Qaranimadda Somaliland Waxaa Kala Wayn Beeshiisa
Sacad Muuse Ee Qaar Ka Midi Ay Degan Yihiin Jabuuti Isuna Haysta Inay Reer Jabuuti Yihiin?????!!!!!.

Madaxwayne Biixi Waxaa La Gudboon Inuu 1000% Uu Xoojiyo Xidhiidhka Somaliland Iyo Eriteriya, Wadanka Eriteriyana Laga Dhaadhiciyo Sidii Ay Safaarad Caalamiya Uga Furan Lahayn Somaliland, Si Loo Fududeeyo Basaboorka Somaliland In Lagu Geli Karo Eriteriya, Oo Aynu Is Dhaafsano Dhinaca Waxbarashadda, Ganacsiga Iyo Tababarada Ciidamadda.

Madaxwaynaha Somaliland Waa Inuu Hoos U Dhigo Xidhiidhka Wadanka Jabuuti Aynu La Leenahay, Haddii Ay Suurta gelaysana Xidhiidhka Loo Jaro Wadanka Jabuuti, Sababtoo Ah 28 Sano Ee Somaliland Jirtay Waxay Ka Shaqaynayeen Burburinta Qaranimadda Somaliland, Yagoo Inaga Door Biday Wadan Aanay Ka Jirin Muddo 28 Sano Dawlad Awood Leh Oo ILaalin Karaya Amniga Shacabkooda Iyo Xuduudaha Wadanku Uu La Wadaago Somaliland, Itoobiya, Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker