Qarax Ka Dhacay Dalka Faransiiska Oo Khasaare Badan Gaystay.(SAWIRRO)

Paris-(OWN)-Qaraxaani oo laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa waxa uu ka dhacay Foorno ku taalla xaafada Rue de Trevise oo dhacda Waqooyiga Magaaladaasi.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in qaraxani ay maleynayaan in uusan aheyn mid ay soo maleegeyn waxa ay ugu yeedhay argagixisada balse uu ka dhashay Gaas dab qabsaday maadaama meesha uu ka dhacay qaraxa ay Foorno aheyd.

“Weli ma arag qof ku geeriyooday qaraxaani balse waxaynu aragnay dad uu dhaawac kasoo gaadhay, xalada markii ay degto ayaan dib warbaahinta ugu warbixin doonaa khasaaraha rasmiga ah” Sidaasi waxaa sheegay saraakiisha caafimaadka dalkaasi oo warbaahinta warbixin kooban ka siinayay qaraxaasi iyaga oo ku sugan meel ku dhaw isla goobta uu qaraxa ka dhacay.

Waxaa lasoo warinayaa dhaawacyo badan oo qaraxaasi ka dhashay balse ilaa iyo haatan lama hayo tirada rasmiga ah ee ku waxyeeloowday qaraxaani, waxaana saraakiisha caafimaadka ay sheegeen in dhaawacyadu la geeyay isbitaalada Paris si xaaladooda caafimaad loola tacaallo.

Waxaa durbadiiba baraha bulshada gaar ahaan Twitterka qabsaday sawiro argagax leh oo muujinaya baaxada qaraxaasi iyo waxyeelada uu gaarsiiyay dhsimooyinka ku hareersan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker