Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Magaalda Toronto Ee Dalka Kanada
Cimraan Faraax oo 20-jir ah waxa uu maalintii Khamiista ee la soo dhaafay u geeriyooday dhaawacyo bishan 21-dii ka soo gaadhay Toogasho ka dhacday magaalladda Toronto ee dalka Kanada.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Booliska Toronto ayaa lagu sheegay in Marxuumkaasi uu u geeriyodoay dhaawaca, iyadoo 2 kale oo da’doodu kala ahayd 19-jir iyo 50-jir si xun loogu dhawaacay Toogashadaasi, kuwaasi oo haatan lagu daaweynayo Isbitaal ku yaalla Toronto.
Booliska waxa hadal ah kama soo saarin Dembiilaha geystay Toogashadaasi, mana kala cadda in la qabtay iyo inuu baxsaday.
Muwaadinka Soomaaliga ee lagu dilay Toronto waxay ka dhigaysaa qofkii 96-aad ee sannadkan lagu dilo Toronto.

Cimraan Faraax




