Madaxa Midowga Yurub oo booqanaysa Jasiiradda Lampedusa kaddib markii ay korodhay tirada Muhaajiriinta

Madaxweynaha Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa booqatay xarunta qaabilaadda muhaajiriinta ee jaseeradda Lampedusa ee dalka Taliyaaniga, kaddib markii Ra’isul Wasaaraha wadankaasi ay taageero waydiisatay Midowga Yurub, xili uu kordhay qulqulka muhaajiriinta gaaraysa jazeeradda.

In ka badan 8,000 oo muhaajiriin ah ayaa Lampedusa gaaray sedexdii maalmood ee u dambeysay.

Ra’isul Wasaaraha Taliyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in wadankeeda uu haysto cadaadis xoog leh.

Ms Ursula von der Leyen ayaa maanta oo Axada sheegtay “waa dhibaato yurub haysata, waxayna u baahan tahay xalka yurub’.

Iyadoo shir jaraa’id ka hadlaysay waxay ammaantay dad ka reer Lampedusa taageerada ay u muujiyeen muhaajiriinta, waxayna sheegtay in sababta kaliya ay muhaajiriintu u imaanayaan jaseeradda ay tahay halka ay ku taalo.

Sidoo kale waxay wacad ku martay in la laba laabi doono dadaalka ka dhanka ah kuwa dadka tahriibiya ee galiya safarrada khatarta ah.

Dhibaatada, kaliya Taliyaanigu ma xalin karo ayay tiri Ms Meloni, waxay ahayd mid saamaynaysa wadamada xuduuddaha ku yaala, balse hadda dallalka Midowga Yurub oo dhan ayay saameyn doontaa.

Sabtidii waxa maydka ilmo yar laga soo saaray doon kuwa muhaajiriinta ah.

Ilmahan yar ayaa la aaminsan yahay inuu dhashay inta hooyadii ay ku soo jirtay safarka badda ee doonta muhaajiriinta oo ka soo shiraacatay xeebbaha Woqooyiga Afrika sida laga soo xigtay wakaaladda warrarka ee Ansa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker