Daawo: Boqor Buurmadaw oo shaaciyay wakhtiga uu dhacayo Shirka Beelaha Garxajis & Habar jeclo

Hargeysa (OWN):- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu shaaciyey in beesha Habar Jeclo ay gogol u fidisay beesha Garxaajis oo dhawaan ay shir gaar ah  yeelan doonan .

Shirkan u furmaya beelaha Garxaajis iyo Habar-Jeclo ayaa waxaa uu ka dhici doonaa Bacda Ramadaan magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer

Boqorka ayaa sababta uu shirkani u yimid ku sheegay   in dib u  habeyn lagu sameyn doono siyaasadii beesha Habar Jeclo

“ Waxaanu dooneynaa ka beel ahaan in aanu dib u habeyn ku sameyno siyaasadii Beesha Habar Jeclo , isla markaana aanu xalano cid kasta oo ay siyaasadu na kala fogeysay  , markaas shirkaasi wuu jiraa oo beelaha Garxajis gogol ayaanu u dhignay waxaana Bacda ramadaan uu shirkaasi ka dhici doonaa magaalada Burco..” ayuu yidhi Boqor Buurmadow

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker