Dooni Siday Hub Oo Markale Lagu Qabtay Xeebaha Soomaaliya.

Muqdisho-(OWN)-Dowladda India ayaa markale sheegtay in mid kamid ah maraakiibtooda dagaalka uu gacanta ku dhigay doon kaluumeysi oo hub badan uu saarnaa, sida qoraal kasoo baxay lagu sheegay.

Markabka dagaal ee India oo lagu magacaabo Sunayna ayaa la sheegay in markale uu meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ku qabtay doon Kaluumeysi oo hub lagu qariyay, taasi oo noqoneyso doontii Labaad oo ay qabtaan.

Qoraal kasoo baxay dowladda India ayaa lagu sheegay in markabkooda Doonta uu ku qabtay shan qori oo ay ka midyihiin AK47 iyo Rasaas gaareysaย 471 Xabo, waxaana ay sheegeen inay sii daayeen kooxda Hubka wadatay markii ay hubka ka reebeen.

Markabkaย INS Sunayna ayaa bishii October ee sanadkan howlgal ka billaabay biyaha Soomaaliya, waana markii labaad oo uu Hub ku qabto Xeebaha Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay.

Xeebaha Soomaaliya oo hadda ay ku yaraadeen weerarada kooxaha budhcad badeeda waxaa ku sugan maraakiib badan oo dagaal kuwaasi oo dalal kala duwan, lana dagaalamaya Budhcad badeeda.

Sidaasi oo ay tahay xeebaha Soomaaliya waxaa ka socdo kaluumeysi sharci daro ah oo dhaqaalo badan laga sameeyo sanad walbaa, mana jiro cid wax iska weydiiso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker