Akadimayadda Horumarinta Deegaanka iyo Waxbarashada waxa la aasaasay horaantii sannadkii 2017 kii.

Akadimayadda Horumarinta Deegaanka iyo Waxbarashada waxa la aasaasay horaantii sannadkii 2017 kii. Magaalada Hargeysa, Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa laga yagleelay akadamiyadda.
Akaddamiyadda waxa loo aasaasay inay deegaanka oo ah halbawlaha nolosheennu ku tiirsan tahay, ay horumariso isla markaana ay daristo dhibaatooyinka ku gadaaman deegaanka. Sidoo kale akaaddamiyaddu waxay ka shaqaysaa horumarinta waxbarashada Somaliland, maadaama oo ay waxbarashadu tahay furaha horumarka iyo hodannimada dunidan casriga.

Akaaddamiyaddu muddadii ay jirtay waxay qabatay waxqabaddo dhawr ah, iyada oo ka duulaysa qodobadda aasaaska u ah jiritaanka akaaddamiyadda, waxaana ka mid ah:

Toddobaad wacyigalin ah oo ardayda dugsiyada lagu baraarujinayay muhimadda deegaanku u leeyahay jiritaanka aadmiga.

Akaaddamiyaddu waxay dhir u qaybisay qaar ka mid ah xaafadaha iyo dugsiyada si kor loogu qaado dhirbeerista.

Akaddamiyaddu waxay xooga saareysa ilaalinta daryeelida iyo kor u qadiida waxabarashada dalka,sidaaso tahay waxay aasaasay dhalinyaro u dhashay wadanka oo arkay baahiida loo qabo hagaajinta iyo daryeelida deegaanka iyo faaiidada ay lee tahay waxbarashada . dunida casariga laaba qaybood waay daryeelen oo kale ah deegaanka iyo waxbarashada Deegaanka oo la ilaaliya waxa uu qarankeenu ka dhax laya dal iyo dad quruxoon Waxabarashada oo la fahma luguna dhaqma waxay keenta in la helo dal iyo dad quruxoon.

 

Gorfeyn Iyo Dood-Cilmiyeed Lagu Lafagurayo Xaaladda Deegaanka Somaliland

 

Hordhac
Akaddamiyadda horumarinta deegaanka iyo waxbarashada Somliland waxay qabanaysaa falanqayn ku saabsan deegaanka iyo saamaynta ay ku yeesheen falalka aadmigu, samaan iyo xumaanba. Akaddamiyaddu waxay soo casuumi doontaa aqoonyahanno ku xeeldheer aqoonta deegaankeenna, isla markaana muddadii u dambaysay cilmibaadhisyo badan ka sameeyay deegaanka. Sidoo kale waxa gorfaynta qayb ka noqon doona Wasaaradda Deegaanka oo ah cidda qarankan u qaabbilsan degaanka iyo xildhibaannada arrinkan u qaabilsan golayaasha sharcidejinta Somaliland.
Falanqaynta waxa diiradda lagu saari doonaa saddex qodob oo wax badan ka caddayn doona xaaladda deegaanka Somaliland ku sugan yahay, iyo duruufaha ku gadaaman.
Isbedddelka ku dhacay deegaankeenna muddooyinkii u dambeeyay, iyo waxyaabaha muhiimka ah ee sababay isbeddelkaa.
Maxay kaga badbaadin karnaa deegaanka isbeddelada taban ee halista ku ah fayoobida deegaanka iyo siijirka nolosheennaba.
Door intee le’eg ayay bulshada rayidka ah iyo dawladduba ku leeyihiin ilaalinta deegaanka.
Akaaddimayddu waxay rajaynaysaa in si wacan loo lafaguro baahiyaha deegaankeenna iyo khatarta ku soo waajahan taas oo laga dhaxli doono in la helo talooyin wax weyn ka tari doona ilaalinta, daryeelka iyo bedbaadinta deegaanka. Si taa la mid ah bulshada waxay u noqon doontaa wacyigalin ay wax badan kaga bartaan deegaankan ay ku uumman yihiin iyo waayihiisa.

 

Kharashka Xafladda:
Hawl xaddi kharash
Kirada huteelka 1 $ 350
Boodhka laba nooc 2 nooc $ 48+$55= $ 103
Istiikarrada 35 $35*1.75= $ 61.25
Warbaahinta 1 video 2 Photegraph $ 150
Bugaag & Qaliman 45 books & 50 Pens $ 22.5+12.5 $35
Kharashaadka yar yar $50
TOTAL $ 749.25

 

Ku Saabsan:
Akadimayadda Horumarinta Deegaanka iyo Waxbarashada waxa la aasaasay horaantii sannadkii 2017 kii. Magaalada Hargeysa, Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa laga yagleelay akadamiyadda.
Akaddamiyadda waxa loo aasaasay inay deegaanka oo ah halbawlaha nolosheennu ku tiirsan tahay, ay horumariso isla markaana ay daristo dhibaatooyinka ku gadaaman deegaanka. Sidoo kale akaaddamiyaddu waxay ka shaqaysaa horumarinta waxbarashada Somaliland, maadaama oo ay waxbarashadu tahay furaha horumarka iyo hodannimada dunidan casriga.
Akaaddamiyaddu muddadii ay jirtay waxay qabatay waxqabaddo dhawr ah, iyada oo ka duulaysa qodobadda aasaaska u ah jiritaanka akaaddamiyadda, waxaana ka mid ah:
Toddobaad wacyigalin ah oo ardayda dugsiyada lagu baraarujinayay muhimadda deegaanku u leeyahay jiritaanka aadmiga.
Akaaddamiyaddu waxay dhir u qaybisay qaar ka mid ah xaafadaha iyo dugsiyada si kor loogu qaado dhirbeerista.

Akaddamiyaddu waxay xooga saareysa ilaalinta daryeelida iyo kor u qadiida waxabarashada dalka,sidaaso tahay waxay aasaasay dhalinyaro u dhashay wadanka oo arkay baahiida loo qabo hagaajinta iyo daryeelida deegaanka iyo faaiidada ay lee tahay waxbarashada . dunida casariga laaba qaybood waay daryeelen oo kale ah deegaanka iyo waxbarashada Deegaanka oo la ilaaliya waxa uu qarankeenu ka dhax laya dal iyo dad quruxoon Waxabarashada oo la fahma luguna dhaqma waxay keenta in la helo dal iyo dad quruxoon.

 

 

Gorfeyn Iyo Dood-Cilmiyeed Lagu Lafagurayo Xaaladda Heerka Waxabarashada Somaliland

Hordhac
Akaddamiyadda horumarinta deegaanka iyo waxbarashada Somliland waxay qabanaysaa falanqayn ku saabsan Heerka Waxabarashada dalku ku sugan yahay. Akaddamiyaddu waxay soo casuumi doontaa aqoonyahanno ku xeeldheer aqoonta Waxabarashada dalkeena, isla markaana muddadii u dambaysay cilmibaadhisyo badan ka sameeyay Waxabarashada dalka. Sidoo kale waxa gorfaynta qayb ka noqon doona Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland oo ah cidda qarankan u qaabbilsan Ilaalinta iyo Kor u Qadiida Waxabarashada dalka iyo xildhibaannada arrinkan u qaabilsan golayaasha sharcidejinta Somaliland.
Falanqaynta waxa diiradda lagu saari doonaa saddex qodob oo wax badan ka caddayn doona xaaladda Waxabarashada Somaliland ku sugan Tahay, iyo duruufaha ku gadaaman.
Isbedddel Nooceya ku dhacay muddooyinkii u dambeeyay Waxabarashadi Dalka, iyo waxyaabaha muhiimka ah ee sababay isbeddelkaa.
Door intee le’eg ayay bulshada rayidka ah iyo dawladduba ku leeyihiin Tayayinta Heerka Waxabarashada Dalka Somaliland
Akaaddimayddu waxay rajaynaysaa in si wacan loo lafaguro baahiyaha Waxabarashada iyo khatarta ku soo waajahan taas oo laga dhaxli doono in la helo talooyin wax weyn ka tari doona ilaalinta, daryeelka iyo bedbaadinta deegaanka. Si taa la mid ah bulshada waxay u noqon doontaa wacyigalin ay wax badan kaga bartaan deegaankan ay ku uumman yihiin iyo waayihiisa.

 

Hawl xaddi kharash
Kirada huteelka 1 $ 350
Boodhka laba nooc 2 nooc $ 48+$55= $ 103
Istiikarrada 35 $35*1.75= $ 61.25
Warbaahinta 1 video 2 Photegraph $ 150
Bugaag & Qaliman 45 books & 50 Pens $ 22.5+12.5 $35
Kharashaadka yar yar $ 50
TOTAL $ 749.25

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker