“Mar Walba Somaliland Diyaar Ayeey U Tahay Wada Hadallada Soomaaliya”Wasiirka Amuuraha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon.
Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa sheegay in Somaliland mar walba diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Soomaaliya.
‘’Somaliland mar kasta diyaar bey u aheyd mana ka hor iman wada hadal lala galo Soomaaliya, diyaar ayeey-na u tahay in ay Soomaaliya wada hadalaan oo wixii leysku hayo miiska la soo dhiggo’’ ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo la hadlayay Idaacada VOA.
Mar wax laga weydiiyay dowladda Mareykanku qorsheyneyso in safaaraddeeda u rarto magaalada Muqdisho waxa uga qorsheysan Somaliland in ay ku qasbanaan doonaan in ay tagaan safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayuu yidhi ‘’ Maya taasi marnaba ma dhici karto, haddii ay Mareykanka safaaraddooda u raraan magaalada Muqdisho, dabcan iyaga ayeey u talaa sida aan isku arkeyno iyo goobta kale oo aynu ku kulmi karno’’ ayuu yidhi Wasiirka.
Hadalka Wasiirka ayaa imanaya iyadoo dhawaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sheegay in aysan la hadli doonin dowladda Soomaaliya ilaa ay ogolaato sida uu hadalka u dhigay madax-bannaanidda Somaliland.
Laakiin dhawaan waxaa magaalada Hargreysa tahay saraakiil ka socda midowga Yurub oo kala hadlay madaxweynaha Somaliland wada hadallada Soomaaliya iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa.





