Xisbiga ODP oo Caddeeyey in Sharciga la Horgeynayo Dad ku Lug Lahaa Dilal ka Dhacay Gobolka Oromiya

Golaha Dhexe eeย  xisbiga Oromada eeย  ODP, ayaa ballan-qaaday inay ciqaabi doonaan dad ay ku eedeeyeen ย inay masuul ka yihiin dil iyo barokac ka dhacay meelo kala duwan oo ku yaalla dowlad deegaanka Oromada Itoobiya.

 

Siday baahisay Warbaahinta Itoobiya, waxa war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Oromada Itoobiyaย  lagu caddeeyey in sharciga la horgeyn doono dadkii abaabulay dilalย  iyo barokicin ka dhacday dhowaan deegaanno ku yaalla gobolka Oroomiya.

 

Golaha Dhexe ee xisbiga ODP waxayย  intaas ku dareen inay si dhow ula shaqeynayaan ย dadweynaha deegaankaas, si loo adkeeyoย  ammaankaย  isla markaana looga hortago barakac ka dhasha xasaradaha gobolkaas ka oogmay.

 

War-saxaafadeedka xisbiga Oromada Itoobiya waxa lagu xusay in tallaabo adag laga qaadi doonoย  ashkhaastaย  sida xun u adeegsaday awooda dowladda oo kaalin ku lahaa ย dilal ka dhashay qulqulatooyinย  gobolka Oromiya ka dhacay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker