Xisbiga ODP oo Caddeeyey in Sharciga la Horgeynayo Dad ku Lug Lahaa Dilal ka Dhacay Gobolka Oromiya

Golaha Dhexe ee  xisbiga Oromada ee  ODP, ayaa ballan-qaaday inay ciqaabi doonaan dad ay ku eedeeyeen  inay masuul ka yihiin dil iyo barokac ka dhacay meelo kala duwan oo ku yaalla dowlad deegaanka Oromada Itoobiya.

 

Siday baahisay Warbaahinta Itoobiya, waxa war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Oromada Itoobiya  lagu caddeeyey in sharciga la horgeyn doono dadkii abaabulay dilal  iyo barokicin ka dhacday dhowaan deegaanno ku yaalla gobolka Oroomiya.

 

Golaha Dhexe ee xisbiga ODP waxay  intaas ku dareen inay si dhow ula shaqeynayaan  dadweynaha deegaankaas, si loo adkeeyo  ammaanka  isla markaana looga hortago barakac ka dhasha xasaradaha gobolkaas ka oogmay.

 

War-saxaafadeedka xisbiga Oromada Itoobiya waxa lagu xusay in tallaabo adag laga qaadi doono  ashkhaasta  sida xun u adeegsaday awooda dowladda oo kaalin ku lahaa  dilal ka dhashay qulqulatooyin  gobolka Oromiya ka dhacay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker