Madaxweyne hadad xeer aad ku kala dirto u layd gudida doorashooyinka hadaba u heshay, adiga iyo goaankaa!

Muddo badan waxaa soo noqnoqda dib u dhaca doorashooyinka siiba kuwooda golayaasha , kuwasi oo sifo muddo dhaaf ah, ugu fadhiya kursiga balse xeerarka dalku ay tilmaameen in ay ku fadhiyi karaan, waxaana caqabada koobaad ka taagan tahay, xeerarka dibu dhiga doorashooyinka, sida xeerka baneynaya sii haynta mudada la soo dooranayo, oo ah, qodobka 42 aad , faqrada 3 ee muddo xileedka golaha wakiilada. Kaasi ayana markasta la adeeegsadaa, oo aad moodo in ay markasta noqotay, xeerka kaliya ee xukumadii timadaba marka ay xilkeeda gudan kari weydo u noqday god ay ku gabato ama geed ay ku xoqoto.
awooda madaxweyne ee xilka qaadista Iyo cida awood u leh, waxaa awood u leh, madaxweynaha qaranka waxaana tilmaamaya xeerka doorashooyinka qodobka.14 .

Qodobka 14 aad
xilka lagaga qaadi karaa:
a) Markuu jabiyo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay.
b) Marka uu xilka gudan kari waayo karti darro ama caafimaad darro awgeed.
c) Marka uu ku kaco anshax-xumo, xatooyo, musuq-maasuq iwm.
2. Marka arrimaha kor ku xusan la dareemo, waxa Madaxweynuhu u magacaabayaa guddi-baadhiseed ka soo warbixisa si uu go’aan ugu qaato.
3. Xil ka qaadista Komishanka waxa awood u leh Madaxweynaha, waxase shardi ah in Golaha Wakiiladu ku ansixiyo xil ka qaadistaas cod hal-dheeri ah (simple majority).
4. Marka ay banaanaato xubin Komishanka ka mid ahi, xil ka qaadis, geeri, ama is casilaad awgeed, waxa buuxinta jagadaas loo raacayaa habka xubintii banaysay xilku ku timid.
arintan xilka qaadista ee xeerka doorashooyinka iyo nidaamka dawladnimada , madaxweynuhu wuxuu si cad u baal marey, odaynimadii qaranka iyo sharci nimada cabashada uu u soo gudbiyey xisbiga waddani, waxaana si cad u tilmaamey xeer nidamiyaha ah, ee xeerka doorashooyinka, kaasi oo xataa dhigaya in loo saaro gudi baadhiseed, inta aan xilka laga qaadin, komishanka doorashooyinka waxaana muuqata karti daro iyo liidasho dhinac xil gudashada ah, oo ay ku tilmaaman yihiin komishanka doorashooyinku .
Hadaba umaddu waxay uga fadhidaa balan qaadkii madaxweynaha ee ahaa sharciga inuu sareeyo,

Xeerka tilmaamaya muddo kordhinta dooraashooyinku waa mid sifo cad leh, waxaana tilmaamo cad ka bixiyey distuurka qaranka kaasi oo dhigaya in ay noqon karto dib u dhaca doorasho sadex siyabood uun oo kala ah:-
– in ay jirto nabad galyo baahsan oo aan laga qaban karin doorashooyinka
– in ay jirto dhaqaale la aan baahsan oo ku habsatay dalka .
– iyo in ay jirto aafo qaran sida duufano iyo waxyaaabaha la mid ah, aan sahli karin, qabsoomida doorashooyinka wakhtigii loogu talo galay.
Ma muuqato hal qodob oo sadexda qodob ee tilmaamay dib u dhiga doorashooyinka , qodob ka mid ahina dalka kama jiro. Hadaba waxaa qodobada maamuuska lagaga xayuubin karo , gudida doorashooyinka ka mid ah, in laga qaadi karo xilka haddiiba ay ka soo bixi wayaan xilka loo igmaday, hadaba mudane madaxweyne xilka loo igmaday way ka soo bixi weyeen waana muuqata, xeerka aad u la ayd hada ayuu hortada yaal waana siyaasad cad oo muuqata in adiga iyo xisbigagaba lagaga guuleystay, haddiiba ay jirto wadaniyad aan ka ahayn, in aad isu ogtahay in aad tahay amiiru somaliland, waxaa kula gudboon in aad kala dirto, gudida doorashoyinka qaranka.
xisbiga kulmiye wuxuu ku ololeyn jirey, sharciga ayaa saareynaya, sidoo kalena wuxuu ku ololeyn jirey, doorasho danbe oo dib u dhacaysaa ma jirto, hadaba labadiiba isagaa gacmihiisa ku beeniyey, waxaana muuqataa in aanu jirin sharci la adeegsadaa balse uu jiro sharci laysku difaacaa marka ay arin ku adkaato, hadaba qarankani wuu ka damqanayaa in kuwii ay doorteen noqdaan kuwo dad gaar ah, jecel isla markasina doonista dadkaasi loo burburiyo damac qarankani u leeyahay iyo hananka kala danbeynta iyo dawladnimada .
Waxaana hada muuqata in ay taagan tahay, majarihii muuse xilka kaga xayuubin lahaa, siyaasadii loo dhigay 9 bilood ka horna uu isagu cagtiisa hoosteeda is galiyey, wayo gari laba nin kama wada qosliso, doorashadii siday u dhacdayba waa la kala guuleystay, xumo iyo saama hadaaba ka ay doonto ha ahaatee , ninka ragga ahina wuu yaqaan goaanka, balse ragga gorsoore qaldaana ayaan wadanayaa ma qabato. Waana maanta ta muuqata, xataa in ay awoodi kari weyeen in ay bulshada ka qanciyaan, badheedhahooda.

Goleyaashaa qaranka waxan ugu baaqayaa in ay sidaa ugu degdega badan u xaliyaan arinkan, waa haddiiba aaney iyagu doonistooda muddo kordhin iyo dheemaalka jecleyn.

Qore:- SIR MOHAMOUD HUSSEIN MOHAMED ( AWLIYO )

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker