Laba qof oo ku dhimatay qarax xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso
Inta la’ogyahay laba qof ayaa ku dhimatay, afar kalena way ku dhaawacantay qarax xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Qaraxan oo ahaa bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray ciidan gaadiidka ku baaraayay wadada horumarta Xarunta Dowladda Hoose ee Boosaaso.
Labada qof ee qaraxa ku dhimatay ayaa ka tirsanaa ciidamadii hawlgalka ku guda jiray, halka afarta kale ee ku dhaawacantay ay laba ka mida yihiin dad rayid ah.
Ciidan gurmad ahaa oo halkaasi gaaray ayaa xiray wadada, waxayna ka sameeyeen hawlgal amni xaqiijin ah, inkastoo aan la soo sheegin cid ay ku soo qabteen.
Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Boosaaso ayaa soo sheegaya in dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi la gaarsiiyay isbitaalka guud ee Boosaaso.
Sida ay Wariye-yaasha soo sheegayaan wadada uu qaraxu ka dhacay ayaa xilliyada habeenkii lagu baaraa gaadiidka ku socdaalaya Bartamaha Magaalada Boosaaso.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, hase ahaatee waxaa lala xiriirinaya Ururada Al Shabaab iyo Daacish midkood, oo mararka qaarkood weeraro ka gaysta deegaanada Puntland.