Beeni raad male been abuurka madaxda qaranka JSL. by dharaar sugaal
Ha ka uriso meel daran, Hal diidani Maqaarkee, Dacarow waxaa Runa, Haday Riyo Dub leeyiniin, Dabadooday ku Qarin lahayeen, Dadna barSho uma hadhin.
Website ka boramanews.com oo noqdey mid ku Caan baxay oo ku Hawlan ka shaqaynta Baahinta warar been abuur ah oo ka dhan ah madaxda qaranka JSL, Hawladeenada wabsitekaa oo caado ka dhigtey iney mar walba qoraan warar aan sal iyo raadtoona lahayn.
Hadaba Waxaan ogaysiinaynaa shacabka reer somaliland ineyna rumeysan warka aan Waxba ka jirin ee been abuurka ah, gaar ahaan shacabka reer awdal Waxan ogaysiinaynaa in aaney dhegeysan ama aaney akhrisan wax yaabaha ay ku soo qorayaan boramanews ee been abuurka waxba kama jiraanka ah.
Website ka borama ews.com waxay moodayaan iney wax ku helayaan been abuurka ay ka sheegayaan madaxweyne ku xigeenka qaranka JSL mudane Saylici taasi oo mar walba ay soo sameynayaan warar aanan run ahayan oo iyagu ay jeebkooda kala soo baxeen, Horaa loo yidhi Beeni Raad male, kuwaas oo isla markiiba ka saaray Qoraalkii Been abuurka ahaa ee ay soo Galiye Wabsite-Kooda Beenta quuta.
Madaxwayne-ku-xigeenkuna si habsamile u wato safarkiisii shaqo ee ku aadanaa qaarada Europe uuna gaadhay dalka UK caasimadiisa London.
Sidaasi awgeed waxaan uga digayaan website ka kor ku xusan in ay iska ilaaaliyaan oo aaney galin dadka reer somaliland ogaadaana inuu yahay website kaasi mid ku sifoobey been abuur iyo iskudirka umada wada degan dalka JSL.
Dawlada somalilandna waxaan ku boorinaynaa iney talaabo adag oo sharciga waafaqsan ka qaado beenaala yaasha jooga gudaha dalka somaliland ee ku lidiga ah qaranka JSL, iyo Madaxdiisa Sharafta mudan, Baahinaya wararka beenta ah kuna soo daabacaaya website ka boramanews.com warar waxba kama jiraan ah.
Waxaa maanta noo cadaatey website ka boramanews.com ee Been-quutaha ah inuu u shaqeeyo dawlada xamar joogta oo ah ta,iyadu maal galisa website ka aan ku soo sheegney magaciisa.
By dharaar sugaal
Dharaar@gmail.com
Borama somaliland.