Sheeko Xiiso leh: “Xabaalahan Gaalada Waa Loo Faataxayn karaa iyo Maya!
– Dadka Kiristaanka ah ee aaminsan diinta Nabi Ciise ee ku nool qaaradaha aduunku, waxa ay dalalkooda ka sameeyeen Kaniisado quruxdooda aad la ashqaraarayso!ย Goobahaas loo yagleeshay in lagu cibaadaysto oo ah qaar qarniyo badan soo jiray waxa dhismahooda ka muuqda u-hagarbax dhinac kasta leh. Arartaa yar dabadeed, meeshu waa Birmingham-UK, waa xiligii rawaxaada. Bas baan ka degay ku kale oo Xaafadayada tagana halabsigiisaan u-xusulduubayaa! Dhawr sakadood baan si degdeg dhexdooda uga doc-tuuray! Dabadeedna, waxan ku soo mudh-idhi Beer xaydaan dheer leh oo ay ku yaalaan Xabaalo gaboobay oo aan tiradoodu badnayn iyo, Kaniisad aad u-bilicsan oo sidii qodka ka dhex-oogsatay Qabuuraha!
Kaniisada, inkasta oo haatan aan si joogto ah loogu cibaadaysan hadana waxyaalo badan oo kale ayaa ay bulshadu ku hor-qabsataa! Afar Iridood oo kala jeeda ayay leedahay. Laba ka mid ah Afaaf-yadeeda waxa hor-jiifsada oo aan qajeel laga waayin dadka dib-jirka ah ee aan Hooy kale lahayn! Hadii ay kuwaasi ka maqan yihiin-se cidlo ma noqotee waxa bedela oo catabadaha ku hor-botoriya Shimbiraha Xamaamka loo yaqaan. Kaniisadan, dhinac kasta waxa ka xiga qabuuro aad qaarkood moodo waawaynida, qudbiyadii Masheekhdii Soomaalida ee la siyaarin jiray! Halka kuwa kale ay dirqi uun ku sii muuqdaan ama, ay baaba’een meeshoodiina doog ka dul-baxay!
Xagoodii ayaan u yara dhawaaday si aan u fahmo bal waxa la isku-hayo! Qodhaa iyo Xeradaa, qodobka miiska u saarann ee jiq la iskugu yahay ee la isku-mari la’yahay waa masalo diini ah oo ah “waa loo faataxayn karaaย xabaalahan gaalada iyo, maya! Diinteenu ma ogola!” Waxa kolba dhan hadalka laga keenoba, ugu-dambayntii waxa batay kuwii lahaa waa loo faataxayn karaa. Markii shirku sidaa isku raacay ayaa ay qoladii fadhfadhiday kaakaceen oo loo jeedsaday geesta ay Kaniisadu ka xigto, dabadeedna, ay bilaabeen inay akhriyaan Faataxo jajaban iyo erayo Af-ingiriisi oo ay ka mid yihiin “Rest in peace” oo loogu ducaynayo dadkan Maytida ah! Sida ay doodu ku bilaabantay marka hore ma aan ogayn.
waxase aan qirayaa inay ahayd mid xamaasad iyo xiise gaar ah lahayd, oo daawashadeeda dad badani iskugu yimid. ugu dambayntii, nimankii Soomaalida ahaa markii ay dhameeyeen murankoodii iyo waxii ay akhriyayeen, sacab aanay filayn ayaa ay dad badan oo daawanayay u-tumeen! Iyaguna, intay soo dhaqaaqeen ayaa sidii koox mooshin keentay oo tooduu u meel-martay ay gacan-qaad dadkii kula soo yaaceen! Anna, aniga u-xigto-miisaya, kagama bakhayline sida shacabka kaleba yeelay, calaacalahayga waan isku-tumay oo u-sacabiyay, salaantiina u haneeyay! Yaab. Bal adba!
“Ha jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto”
Cali Cumar Xasan.