Nin Itoobiyaan Ah OO Xabaasha Lagu Sii Waday Kadibna Kasoo Dhex Kacay Naxashkii Lagu Siday
Dadka ku nool xaafad ku taalla dalka Itoobiya ayaa u dabaal dagaya wax u eg “qof dib u soo noolaaday” ka dib markii nin lagu tiriyay dhimasho uu soo kacay isagoo aaskiisa lagu guda jiro.
Hirpha Negero, oo ah Aabo dhalay shan carruur ah ayaa lagu dhawaaqay inuu geeriyooday maalintii Salaasada ahayd, abaaro 10:30 barqanimo ee xilliga dalka Itoobiya.
Sida uu qabo xeerka dhaqan ee maxalliga ah, oo lagaga dhaqmo xaafadda ka tirsan degmada Sibu Sire ee badhtamaha gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, rasaas ayaa laba jeer kor loo riday, taasoo lagu xaqiijinayay geeridiisa isla markaana dadka xaafadda loogu sheegayay inay aaskiisa ka soo qeyb galaan.
Saacad gudaheed, Etana Kena’a oo ah ninka xaafadda u qaabilsan howlaha qabriyada ayaa naxash dhex galiyay Mr Hirpha wuxuuna u diyaariyay in la aaso isla galinka dambe ee maalintaas.
Hase ahaatee, intii ay socotay munaasabadda aaska, saacaddu markii ay ahayd abaaro 3:30 galabnimo, ee wakhtiga maxalliga ah, ayey dadkii murugaysnaa ee tacsida joogay maqleen garaacis ka imanaysay gudaha naxashka.
“Dadku aad bey u argagaxeen weyna kala carareen, xitaa ma aanaan heli karayn qof i caawiya”, ayuu yidhi Mr Etana, isagoo sharraxayay sida uu Mr Hirpha caawimaadda ugu baahnaa markii uu ka furay naxashka.
Ninka u muuqday inuu “dib u soo noolaaday” qudhiisa ayaa BBC-da la hadlay oo u sheegay waxa uu kula kulmay naxashka dhexdiisa: “Waxaan maqlay qof ooyaya. Neefta ayaa igu xidhmaysay waxaanan isku dayayay inaan kafanka igu xidhnaa kala jeexo. Wax tabar ah ma aanan lahayn, manaan awoodi karayn inaan hadlo”. Ayuu yidhi.
Ka dib wuxuu sheegay inay u suurta gashay inuu caawimaad dalbado. “Yaa jooga meeshan?”
Argagixii hore ka dib, tacsidii ayaa isu badashay dabbaal dag. Ninka qabriyada ka shaqeeya, oo ah Mr Hirpha abtigiis ayaa yidhi: “Waxaan hore usoo aasay meydadka 50 ama 60 ruux. Waligey ma arkin dhacdo tan la mid ah. Wuxuu u muuqday inuu geeriyooday”. Dr Birra Leggese ayaa BBC-da u sheegay in Mr Hirpha uu dabcan ku jiray “koomo aad u xeel dheer”.
Dhowr bilood ka hor, isla deegaan ka tirsan gobolka Oromia ayuu nin si iskiis ah u sheegtay nabinimo soo jiitay indhaha warbaahinta, ka dib markii uu isku dayay inuu dib u soo nooleeyo qof dhintay, isla markaana uu ku hungoobay. Wali dadkii deegaanka in badan oo ka mid ah ayaan rumaysan xaaladan.