Wiil Soomaaliyeed Oo Lagu La’yahay Dalka Mareykanka

Wiilkaan la la’yahay oo lagu Magacaabo Wali Dhuxulow ayaa waxa uu ku noolaa Magalada  Minneapolis  ee gobolka Minnesota dalka Maraykanka.

 

Wiilkaas oo Da’ahaan lagu sheegay 14 jir ayaa eheladiisa waxa ay sheegeen in mudo Saddex Cisho ah  uu ka maqan yahay,isla markaana aan la ogeyn halka uu aaday.

 

Amal Cabdi Xasan waa Hooyada dhashay Wali Dhuxulow waxa ay sheegtay in Wiilkeeda uu ka mid ahaa ardayda dhigata dugsiga Southwest oo ku yaalla magaalada Minneapolis.

 

Hayeeshee ay sheegtay in markii ugu wardambeysay Koox iugu jirta Madow iyo Cadaan oo watay Gaari ay u yeereen,isla markaana ay wateen,balse aan la ogeyn in si iskiis ah uu u raacaya ama ay xoog ku kaxeysteen.

 

Hooyadasha dhashay Wali Dhuxulow ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay halka lala aaday wiilkeeda oo Sanadkii ugu horeeyay dhiganayay dugsiga Southwest oo ku yaalla magaalada Minneapolis.

Taliyaha Booliska Magalada  Minneapolis  ayay sheegtay in uu la soo xiriiray,isla markaan ay siiyeen Sawirka wiilkeeda si uu u baadi goobo maadaama mudo Saddex Cisho ah uu ka maqan yahay.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa ku sugan Soomaali farabadan,kuwaas oo qaarkood waxka barta qaarna ay ka Shaqeeyaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker