Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Waftigii Uu Hoggaaminayay Oo Saaka Ka Soo Ambabaxay Magaalada Ceerigaabo Iyo Tuhun Dad Badan Qabeen Oo Fadeexad Ku Ah Madaxweynaha Oo Rumoobay

Waftigii uu hoggaaminaayey madaxweynaha Somaliland oo muddo laba maalmood ah ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag ayaa saaka ka soo ambabaxay Magaalada Ceerigaabo.

Waftiga Madaxweynaha ayaan u bixin bariga gobalka Sanaag oo dadku is weydiinaayeen in uu madaxweynuhu tagi doono, iyada maamulka Puntland uu faro-galin ka wado.

Dad Badan oo ay ka mid yihiin waxgaradka iyo xildhibaannada baarlamaanka Somaliland ee laga soo doorto bariga gobolka bariga gobolka Sanaag ayaa waxa ay tuhun weyn ka qabeen in aanu madaxweynuhu booqan doonin deegaankood ay maalmihii u dambeeyay faro-galin ka wadeen maamulka Puntland.

Waxaana waftigu ay dib ugu soo noqdeen waddada Ceerigaabo Burco illaa iyada oo la filaayo inuu madaxweynuhu dib ugu soo noqdey magaalada Hargeysa safarkiisii bariga na uu sidaas u soo gabo-gabeeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker