Masuul Toogasho Ku Diley Xaaskiisa oo Uur Leh Magaalada Jowhar

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in maareeyaha garoonka diyaarahada magaalada Jowhar uu xalay toogasho ku dilay xaaskiisa oo uur leh.

 

 

Hawenedyada la dilay oo 32 jir aheyd ayaa lagu magacaabi jiray Jamiilo Sheekh Cali, waxaana dilkeeda loo adeegsaday bistoolad.

Ciidamada amniga ayaa isla markiiba gacanta ku dhigay eedeysanaha oo lagu magacaabo Cali Dheere

Dilkan naxdinta leh ayaa ku soo beegmaya xilli shalay uu xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan dambiyada iyo maandooriyaha (UNODC) soo saaray warbixin sheegeysa in maalin walba caalamka lagu dilo illaa 137 haween ah, kuwaas oo dilalkooda ay ka dambeeyaan xubin ka mid ah qoyskooda.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker