Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Saaka Hiirtii Ka Soo Kicitimay Magaalada Laas-caanood Una Jihaystay Dhinaca Gobolka Sanaag.

Laas-caanood-(OWN)-Waftigii uu hogaaminaayey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo xalay u hoyday magaalada Laascaanood ayaa saaka Hiirtii waabari ka soo baxay magaaladaasi

Waftiga oo dib u soo raacay wadada ka soo baxda Laascaanood ee soo aada dhinaca magaalada Caynaba ayaa la sheegay in uu ku sii jeedo Gobalka Sanaag .

Qaban qaabo xoogan ayaa la sheegayaa in ay ka jirto degmaayinka hoos yimaada Gobalka Sanaag , waxaana la filayaa inuu madaxweyne Biixi gaadho xarunta gobalka Sanaag ee Ceerigaabo

Waftiga Madaxweynaha ayaa saaka ku sugan isla markaana iminka ka qudbadeynaya magaalada Gar Adag ee gobalka Sanaag.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker