Muwaadin Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Africa.
Wararka ka imanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in koox budhcad ah xalay ku dileen halkaa muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada dalkaasi ku nool.
Ninkan dhalinyarada ah ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Hillaal Xirsi Jaamac ayaa gaar ahaan dilkiisa waxaa uu ka dhacay xaafadda Hanover Park ee magaalada Cape Town.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ay rasaas fureen budhcad Koonfur African ah xili uu ku sugna goobtiisa ganacsi, waxaana markiiba halkaa isaga cararay kooxdii dilka geysatay.
Falkan ayaa waxaa siweyn uga naxay ganacsatada Soomaalida ah, gaar ahaan kuwii garanayay marxuumka dhintay, waana qeyb ka mid ah tacdiyada lagu kaco Soomaalida ku nool dalkaasi Koonfur Africa.
Booliisku wax tallaabo ah ma aysan ka qaadin arintan, laakiin marka ay falalkan oo kale dhacaan waxaa ay saraakiisha Booliiska dalkaasi ku celi celiyaan in ay wadaan baadhitaan lagu sameynayo sida uu falku dhacay iyo cida ka danbeysay.