“Dad Cadow ah ayaa Doonaya inay Xumaan Kala Dhex-dhigaan Itoobiya iyo Somaliland”Brig Jen Berhe Tesfay Qunsulka Ethiopia U Fadhiya Somaliland.

Addis-ababa-(OWN)-Brig Gen Berhe Tesfay ayaa shaaciyey inay yihiin cadow kuwa doonaya inay xumaan kala dhexdhigaan xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, isla markaana caddeeyey inaanu jirin wax isbeddel ah oo ku yimid.

Mr. Tesfay, Qunsulkii hore ee dalka Itoobiya oo xilligan ku sugan caasimada Addis Ababa, ayaa sheegay inuu mar walba sii xoojin doono xidhiidhka labada dal, waxaanu yidhi “Xoojinta xidhiidhka labada waddan mar walba xooga ayaan saari doonaa, runtii dad cadow ah ayaa doonaya inay xumaan kala dhexdhigaan Itoobiya iyo Somaliland, xilligana xafiiskii Itoobiya ee Hargeysa waa sidii hore ayuu u shaqeeyaa” Ayuu yidhi, Mr Tesfay, isagoo raaciyey,

“Xidhiidhka labada wadan, halkuu marayo xilligan meelo ka sii horumarsan ayuu gaadhi doonaa, laakiin kuwa beenta qoraya, inay naftooda runta u sheegaan ayaa wacan” ayuu yidhi Mr Tesfay, isagoo dhaliilayey warbaahin maalmahii u dambeeyey qorayey in xidhiidhkii Itoobiya iyo Somaliland soo dhamaaday.

Qunsulkii hore Itoobiya u joogay Hargeysa Mr Tesfay, oo khadka telefoonka ugu waramay weriye Maxamuud Walaaleye isagoo ku sugan Addis Ababa, ayaa isweydiiyey sababta warbaahinta qaarkood wararka been-abuurka u baahiyaan, waxaanu yidhi,

“Qof kastoo baahiya war been ah, waa inuu caddeyaa, hadaanu xaalad waali ah ku sugnayn,” ayuu yidhi, Mr Tesfay, isagoo daba socday qoraal usbuucii hore mareegta Somalilandsun ku baahisay in Qunsulkii hore Itoobiya u fadhiyey Hargeysa lagu xidhay Addis Ababa, halka mareegta AlleastAfrica, baahisay in Itoobiya xidhayso xafiiskooda Hargeysa.

Mr Tesfay ayaa ballanqaaday inuu marar dambe socdaalo ku iman doono Somaliland.

Xigasho:-Solnanews.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker