Sirta Nolosha waa Fahamka Nolosha Q/1-aad

Dadka bir-labta ahi waa kuwo lehย  isku kalsooni iyo iimaan, oo ka war-qaba inย  guusha lagu guuleystaana ay ku timaado dhalasho ahaan,ย  halka, kuwa aan bir-labta ahaynina qalbiyadooda ay ka buuxaan cabsi iyo shaki badan, marka ay fursadu u timaado.

 

Mar aan la kulmayย  Dhakhtar ku takhakhusay cilmiga barashada daaweynta iyo cudurada guud ee ku dhaca ilkaha,ย  ayaa ii sheegay in naakhuude markab uu saarnaa u eekaa hoggaamintii asxaabigii Cumar Binu khidaab oo kale, taasoo uu ku suureeyey, mar uu daawaday war lagu baahiyey war-baahinta muuqaal araga,ย  naakhuudihii markabkaasi majaraha u hayey oo ka qayb-qaadanayeyย  gurmad lagu samoto bixinayey qasabad biyo ah oo ku soo fatahday goor caweysnimo ah qoys degenaa qol ka mid ah khananka ugu hooseeya ee markabkaas.

 

Dhacdadaasi waxay ixasuusisay safarkii iigu horeeyey ee aan u raaco diyaarad nooca rakaabka qaada caasimadda London ee dalka Ingiriiska, ka dib, markii aanu ku soo dhawaanay gegida diyaaraduhu ka haadaan (London City Airport) caasimadda London ee dalka Ingriiska, ayaa lagu wargaliyey duuliyihii diyaaradaas in aanay soo cago dhigan karayn diyaaraddii aanu saarneyn, sababo la xidhiidhay dhinaca cimilada awgeed oo ay dul hogonaysay ceeryaan badan wakhtigaas gegida diyaaradaha Caasimadda London ee dalka Ingiriiska.

 

Qof kasta oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaraddaas, waxa uu mar walba u dhegtaagayey oo uu isha ku hayey xogaha iyo dhaqdhaqaaqyaddiiย  ka socday qaybta hore ee laga waddo diyaaradaas,ย  ka dib, markii aanu saacado kooban hawada duulimaad hoose ku wareegnaba,ย  ayaa lagu guuleystayย  inย  si nabad-galyo ah ay u soo cago dhigaan hagayaashii gegida diyaaradaha (London City Airport) ee Caasimadda London ee Dalka Ingriiska.

 

Maalin waliba waayo leh, safarkaygii labaad waxa iigu naxdin badnaa, markii nalagu war-galiyeyย  annagoo ku jirna duulimaadย  shan iyo koton kun oo dhundhunka hawada sare ah, in duuliyihiiย  (Pilot) diyaaradii aanu saarnayn uu geeriyooday (AHUN), isla markaana, uu la wareegay kaaliyihii duuliyaha (Co-pilot) diyaaradaas, ka dibna, waxa mar-labaadย  nalagu war-galiyey in ay cilad farsamo ku timid diyaarada, taasoo ayย  taayiraddii u soo bixi waayeen,ย  markii ay ku soo dhawaatay gegida diyaaraduhu ka haadaan (O. R. Tambo International Airport) caasimada Kempton ee dalka South Africa.

 

Dhowr saacadood ka dib, ayey guuleysteen badbaadada diyaaradii aanu saarnayn diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalka South Afrika, kuwaasoo hagayey, kuna dhiiri galinayey wadaha diyaaraddaas in uu ku soo fadhiisiiyo taayir laโ€™aanย  garoonkaย  diyaaradaha, taasoo markii ay soo cago dhigatayna taayiradii u soo baxeen.

 

Safarkaygii saddexaadna, aniga oo dareensan cabsi badan ayaan diyaarad u raacay caasimadda Paris ee dalka Faransiiska, diyaaradaas ooย  goor caweysnimo ah kaga haaday gagida diyaaradaha haadaan (O. R. Tambo International Airport) caasimada Kempton ee dalka South Africa., ka dib, markii ay u gudubtay jooga hawda sareย  ayaa mid ka mid shaqaalaha diyaaradaasi nagu wargaliyey in cilad farsamo ku timid afartii mishiin ee diyaaradaasi, sidaa awgeed, ay farsamo-yaqaanadii diyaaradu ku hawlan yihiin hagaajinta matooradaasi, taasoo ku qaadatay in ay ku hellaan ciladdii ku timid matooraddaasiย  muddo 15-daqiiqadood ah..

 

Shaqaalihii diyaaradiiย  ayaa mar labaad nagu wargaliyey war dhiilo xambaarsanaa, waxaanay yidhaahdeen โ€œMudanayaal iyo marwooyinba, rakaabka sharafta muddanow,ย  suumanka amaanka adkeysta, wajigana waxaad ku xidhataan qalabka hawo qaadashada, heerkulkaย  cimiladuna waxa uu marayaa 40-Digrii,ย  sidaa awgeed, waxa inala soo dersay dhibaato yar oo aan sidaas u weynayn, waxa hurdo dheer galay wadihii koowaad (Pilot) iyo wadihii labaad (Co-pilot) ee diyaaradaas, markaas lama garan karo muddada ay ka soo noqon doonaan hurdadaas dheer (Deep sleep), โ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ. La socoโ€ฆโ€ฆโ€ฆ

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker