AKHRISO: Puntland Oo Ka Digtay Dagaalo Ka Dhaca G. Sool, Kana Hadashay Safarka Madaxweyne Muuse Biixi.
Garoowe-(OWN)- Golaha Wasiiradda ee Puntland ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe, waxay shaaca ka qaadeen in safarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu yahay mid lagu hurinayo dagaal ka dhaca gobalka Sool, waxaana ay sheegeen in ay arrintaasi tahay mid muuqata.
Golaha Xukuumadda ee Puntland ayaa cadeeyey in safarka Muuse Biixi yahay mid la doonayo in lagu dhibo shacabka gobalka Sool, isla markaasna lagu soo rarayo ciidamo cusub.
Madaxweynaha Somaliland ayaa kusoo wajahan gobalka Sool Sabtida nagu soo aadan, waxaana lafilayaa in uu booqasho ku tago ciidamadamada Somaliland ee kusugan deegaanka Tukaraq ee gobalkaas oo uu khudbad u jeedin doono, waxaanay qabsadeen horaantii sannadkan oo ay ka qabsadeen ciidamada Puntland.