Xisbiga Qoomiyada Tigreyga Ee Dalka Ethiopia Oo Eedeymihii Ugu Cuslaa U Jeediyey Xukuumadda Uu Hogaamiyo Raysal-Wasaare Abiy Ahmed.
Addis-ababa-(OWN)-Xisbiga TPLF oo hogaamin jiray taxaafulka EPRDF oo dalka Ethiopia soo maamulayey muddo labaatan sano ka badan ayaa eed kulul u jeediyey xukuumadda cusub ee hormuudka uu ka yahay Raysal-wasaare Abiy Ahmed.
Ugu yaraan, 79 isugu jira saraakiil dhinaca amniga ah iyo ganacsato oo badidoodu qowmiyadda Tigreyga ah ayaa toddobaadkii hore lagu eedeeyey inay dambiyo galeen.
Hayโadda Amneysty International iyo kuwa kale uu xuquuqda aadamaha u dooda ayaa talaabada dawladda soo dhaweeyey, hase yeeshee, madaxweynaha gobolka Tigreyga Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in dadka qowmiyaddiisa la beegsanayo, iyada oo musumaasuq lagu soo gabanayo.
Dhinaca kale, dawladda dhexe ee Ethiopia iyo dawlad goboleedyada Soomaalida iyo Oromada ay wali u taag laโyihiin xakameynta falalka gacan ka hadalka wata oo dad ay ku dhimanayaan.