Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Oo Difaacay Xidhiidhka Lala Dhaxeeya Sucuudi Carabiya Inkasta Oo Ay Dileen Wariye Jamaal Khaashuqji.
USA-(OWN)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si weyn u difaacay xidhiidhka dalkiisa kala dhaxeeya waddanka Sucuudi Carabiya walow dalkaasi dhaleecayn caalami ah loogu soo jeediyay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji.
Boqortooyada Sucuudiga ayaa ah “saaxiib daacad ah” oo ogolaaday inuu Mareykanka ku maalgeliyo “lacagtii ugu badneyd abid”, ayuu Trump ku yidhi bayaan uu soo saaray.
Madaxweynaha ayaa waxa uu qiray in Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan “ay suuragal tahay inuu si wanaagsan” u ogaa dilka Khaashuqji.
“Si kastaba xaalku ha ahaadee, xidhiidhka waxa uu nagala dhaxeeyaa Boqortooyada Sucuudi Carabiya,” ayuu Trump ku daray.
Mr Khaashuqji ayaa 2-dii bishii Oktoobar waxaa lagu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, mar uu halkaasi booqasho ku tegay.
Sacuudi Carabiya ayaa dilka Khaashuqji waxa ay ku eedaysay kooxo sirdoon oo aan damiir lahayn hasayeeshee waxa ay beenisay wararka sheegaya in Amiirka dhaxalsugaha ah uu wax ka ogaa howlgalka.
Si kastaba xaalku ha ahaadee, CIA-da Mareykanka ayaa la sheegay inay rumaysan tahay in Maxamed bin Salmaan uu amray dilka ninkaasi.
Bayaanka uu Mr Trump soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay: “Waxaa suuragal ah inuu Amiirka dhaxalsugaha ah uu wax ka ogaa dhacdadaas musiibada aheyd – waa suuragal inuu ogaa iyo inuusanba ogeyn!”
Wareysi uu bixiyay Axaddii ayuu Madaxweynuhu ugu sheegay warbaahinta Fox News inuu diiday inuu dhageysto cajalad laga soo duubay dilkii Khaashuqji oo uu Turkigu soo bandhigay, waxa uuna ugu yeedhay inay aheyd “cajalad hoog ah”.
“Dunidan waa meel aad khatar u ah!”, Mr Trump ayaa yiri, ka hor inta uusan Sucuudi Carabiya ku tilmaamin inay xulufo la tahay Mareykanka kana soo horjeeddo Iiraan.
Boqortooyadu waxay “ballaayiin doolar ku bixisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada xagjirka ah ee Islaamiyiinta” halka Iiraan “ay Bariga Dhexe ku dishay Ameerikaan badan iyo dad kale oo aanan waxba galabsan”, ayaa lagu sheegay bayaanka.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu qeexay yabooha maalgashi ee Sucuudiga iyo hubka ay dalkaasi ka iibsanayso. “Haddii aannu si doqonnimo ah u joojinno qandaraasyadaas, Ruushka iyo Shiinaha ayey suuragal tahay inay si weyn uga faa’iidaystaan,” ayuu bayaanku sii yiri.
Isagoo qiray in dilkii Jamaal Khaashuqji uu ahaa “wax laga xumaado”, Mr Trump waxa uu qoray “waxaa suuragal ah in aynaan ogaan xaqiiqada dhabta ah” ee dilkaasi.
“Mareykanka waxa uu qorshaynayaa inuu saaxiib daacad ah u sii ahaado Sucuudi Carabiya si loo xaqiijiyo danaha dalkayaga, Israa’iil iyo dhammaan dalalka kale ee aannu saaxiibaha nahay ee gobolkaasi ku yaal.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa baritaaray hadalka Mr Trump, waxa uuna sheegay in kaddib wadahadalkii uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga in “duni aan wanaagsaneyn la joogo” iyo in madaxweynuhu “ay ka go’an tahay inuu qaato siyaasado lagu dhowrayo ammaanka qaranka Mareykanka”.
Bayaan ay soo saartay Senator Dianne Feinstein oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayey ku sheegtay inay la yaabtay in madaxweynuhu uusan Maxamed bin Salmaan u ciqaabayn “dilka uu sii qorsheeyay” ee uu ku fuliyay Khaashuqji.