Jabhadda ONLF Oo 20 Sano Kaddib Gaadhay Magaalada Jigjiga +Sawirro.

Jigjiga-(OWN)-Boqollaal ka tirsan ciidammada jabhadda hubeysan ee ONLF ayaa maanta gaadhay magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ciidammada ONLF ee maanta gaaray Jigjiga

Labo diyaaradood oo sidday ciidammadan oo ka soo kicitimay dalka Eritrea ayaa gaaray Jigjiga, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne, mas`uuliyiin iyo xubno jabhadda ka tirsan oo ku sugnaa Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ibraahim Maxamed Beddel oo ah madaxa ciidammada ONLF ee cutubka maanta gaaray Jigjiga ayaa BBC-da u sheegay in mas’uuliyiinta ururka ee ku sugan dalka Eritrea ay dabayaaqada bishan gaari doonaan Jigjiga sii loo ambaqaado dhaqan gelinta heshiiskii dhexmaray iyaga iyo dowladda Itoobiya.

Wuxuu sheegay in wada nolaanshaha shacabka iyo ka shaqeynta horumarka ay tahay arrin ay shacabka ku dhiiro gelinayaan isla markaasna lagu tallaabsan doono nabadda.

Ciidammada ONLF oo maanta lagu soo dhaweeyay Jigjiga
Ciidammada ONLF oo maanta lagu soo dhaweeyay Jigjiga

Cabdi Saxane Cumar oo ah abaanduulaha ONLF ee ka hawlgalayay gudaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa BBC-da u sheegay inay mabda’a iyo fikirka ay wateen uu ahaa inay u halgamayeen danta shacabka ayna ku rajaweynayeen inay gaaraan guusha.

 

“Waxaan is leeyahay mustaqbal, nolol,horumar iyo midnimo ayaa xigi doontaa InshaaAllah” ayuu yiri Saxane.

Wuxuu sheegay in wax dhibaato ah aysan dhexmari doonin iyaga iyo ciidammada Dowlad Deegaanka ayna mid yihiin isla markaasna isbadallada ka dhacay waddanka Itoobiya ay u horseedeen in la gaaro heshiis nabadeed.

Abaandduule ka tirsan ciidanka ONLF
(Midig)Abaandduule ka tirsan ciidanka ONLF

Dowladda Itoobiya ayaa ururka ONLF ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta , nabadda iyo isbaddalada kasocda dalkaasi.

Ururka ONLF ayaa tobanaan sanno dagaal kaga soo horjeeday dowladda Itoobiya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker