Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Sanaag Oo Sheegay Inuu Jiro Abaabul Lagagasoo Horjeedo Imaatinka Madaxweyne Muuse Biixi Ee Ceerigaabo

 

 

Ceerigaabo(OWN) Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Sanaag Daadey Jaamac Xasan ayaa maanta xilli warbaahinta qaarkeed uu kula hadlayey gudaha magaalada Ceerigaabo wuxu si cad u sheegay inay gobolkiisa ka jiraan dad ku hawl-lan abaabul ka dhan ah imaatinka Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxana Guddoomiye-Daadey hadalladiisii ka mid ahaa

 

“Waxannu dhammaan shacabka reer Somaliland gaar ahaan gobolka Sanaag khaas ahaan taageerayaasha xisbiga Waddani ku wargelinaynaa inay jiraan dad doonaya inay ka faa’iidaystaan imaatinka madaxweynaha iyo xisbiga Waddani ee G/Sanaag dhexdooda oo ay ka abuuraan qalaan-qal kuwaasoo u badan kuwii xisbiga Kulmiye ahaa ee kusoo hungoobey dawladda Kulmiye ee maanta dhisan oo madaxweynuhuna hore u sheegay inay fartooda dhexda ka qaniini doonaan”.

 

Kasokow digniinta uu ka bixiyey iyo dareenka  guddoomiyahan Waddani uu ka qabo in xisbigiisa gabbaad looga dhiganayo diidmada imaatinka madaxweynaha, haddana wuxu si cad oo aan mad-madow kujirin u sheegay inay gobolkiisa ka jiraan dad ku hawl-lan abaabul lagu diiddan yahay imaatinka Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

Dhinaca kalena dhawaaqan kasoo yeedhay guddoomiyaha Waddani ee G/Sanaag ayaa loo arki karaa mid dareen shaki oo hor leh ku abuuri kara qorshaha imaatinka weftiga madaxweynaha ee gobolka Sanaag iyo magaala-madaxdiisa Caarigaabo.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker