Tix,gabaya oo ku Saabsan Soo dhowaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Burco, oo Isugu Jirta Soo dhowayn iyo talo.
Madal quruxsan Malkadii burciyo shacab Maheeggaan ah
Maansayahan tixaha Maamiyiyo Odayo Miisaanleh
Hablo Minowsan dhaqankii Mulkiyay kuu Mush Xaradaaya
Dhalinyaro Hiddaha Noo Metela Minanka Suuggaanta
Abwaanada Murtida loo Xulee Mariya geeraarka
Senge horrodka Mayl Soo Jariyo Maydal dhego Fiiqa
Intaasoo Maqsuudoo kal gacal Milicda kuu taagan
Miidhii Burcoo Idil haddaan Midi ku diidaynin
Majaraha adaa noo hayoo Mawle kuu qoraye
Midh kalaan ku Soo Meerayaa Maandhow Iga qaado
Mar haddaad Masuul Noo tahoo Midigta kuu dhiibnay
Waa In Aad Milgaha dowladnimo Magaca dhowrtaaye
Waa In aad Midnimadii bulshada Maanka gelisaaye
Waa In aad qabiil Maanacdaa waa Mushkilad Wayne
Waa In aad Xaqeenii Maqnaa Meel ku tirisaaye
Waa In aad Musuqa Naga tirtaa Miiray qarankiiye
Waa In aad Cadaawaha Mutuxan Faashka Marisaaye
Waa In aad Maseladaan ku Idhi Meel ku qorataaye.
Cabdixaafid Axmed Hurre
Burco