Hoggaamiyayaasha Dalalka Jabuuti Iyo Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Gobolka.

Addis-ababa-(OWN)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Raโ€™iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa, kulankan ayaa qeyb ka ahaa kulamada gaar gaarka ee Madaxda Afrika ay yeelanayaan, kaddib shir madaxeedka Midowga Afrika.

Kulanka labo geesoodka ee Madaxda Jabuuti iyo Itoobiya ayaa looga hadlay arrimaha gobolka iyo is bedeladii u dambeeyay ee ka dhacay.

Dr Workneh Gebeyehu wasiirka arrimaha dibedda Itoobiyaย  ayaa markii uu soo dhamaaday kulanka u sheegay wariyeyaasha in madaxda labada dal Jabuuti iyo Itoobiya ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xidhiidhka labada dal iyo isdhexgalka gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa bogaadiyay isdhex-galka Geeska Afrika, waxayna si wadajir u ammaaneen goโ€™aanka cunaqabataynta looga qaaday Eritrea.

โ€œRaโ€™isal Wasaaraha Itooboya ayaa u sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xidhiidh wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsanโ€, ayuu yidhi Workneh.

Jabuuti ayaa qeyb ka aheyn isbaheysiga saddex geesoodka ee ka dhex sameysmay dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya, waxaana weli Jabuuti dhowreysa sidii loo sii wadi lahaa dadaalada lagu dhex dhexaadinayo iyaga iyo Eritrea.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker