Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee UCID & WADDANI Oo Madaxweyne Biixi & Xisbiga Kulmiye Si Ba’an Ugu Eedeeyey Dib U Dhaca Doorashooyinka

Xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid ayaa si adag ugu eedeeyey Madaxweynaha JSL iyo Xisbiga Kulmiye dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii hore ugu muddaysnaa inay dalka ka qabsoomaan 27/03/2019, oo ay hadda ka hadhsan tahay boqol iyo tobon Maalmood.

 

Masuuliyiin ka kala tirsan labada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid ayaa si adag uga hadlay dib u dhaca doorashooyinka dalka, isla markaana sababteeda ku eedeeyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbiga Kulmiye, iyagoo farta ku fiiqay dhibaatada ay Somaliland ka dhaxli karto.

 

Haddaba, masuuliyiintan oo kala ah ku xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Ucid ayaa shalay arrintaasi uga warramay Bulsho Tv, waxaana ugu horreyn Xoghaye ku Xigeenka Xisbiga Waddani Md Jamaal Jaamac Xaamud ka hadlay sababihii ay u joogsadeen wada hadaladii saddexda Xisbi Qaran, waxaanu yidhi   “Waa run in khilaafaad jiray oo ay saddexda Xisbi Qaran wada fadhiisteen oo markii horena Madaxweynaha lala fadhiistay, dabadeedna Saddexda Xisbi wada hadlayeen oo muddo ay socotay oo lagu heshiin waayey”. Waxaanu intaasi ku daray, “Runtii, waxay arrintu ka dhammaan weyday waa Xukuumadda, labadayada Xisbi (UCID & WADDANI) waxaanu is nidhi soo dhaweeya si dalkani himiladii uu higsanayey uu gaadho oo ay dalka Doorasho uga dhacdo, laakiin Raggii uu Madaxweynuhu noo soo diray ayey waxba ka dhammaan weyday oo meel ayuun bay istaageen ay leeyihiin annagu yeeli mayno, markii danbena laba qodob ayey arrintu ku soo ururtay oo aheyd in Xisbiga Waddani hore u yidh Guddiga Doorashooyinka Qaranka waa in la beddelo oo sababteedana warbixin dheer ayaanu Madaxweynaha u qornay, balse markiiba diidmo ayuu noogu soo jawaabay, haddii xisbiyadii kala kaceen waxa marjacu ahaa Madaxweynaha, waxaanay aheyd inuu go’aan gaadho, balse waxa uu yidhi Maxkamadda taga, taasina way noo cuntami weyday”.

 

Xoghaye ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay ahmiyadda ay qabashada doorashooyinku u leeyihiin Somaliland, “Madaxweyne, waxaynu Soomaaliya kaga horreynay qabashada doorashada oo aynu talada isugu dhiib-dhiibno oo lagagu doortay adiga iyo madaxweynayaashii kaa horreeyey, sidaasi awgeed Madaxweyne masuuliyada ugu sareysa ayaa kaa saaran doorashada oo waa inaad qabataa”.

 

Sidoo kale, Xoghaye ku xigeenku waxa la weydiiyey maxaa dhibaatada ay leedahay haddii ay doorashadu xilligeedii ku dhici weydo, waxaanu ku jawaabay, “Waxa dhacayaa waa caalamkii aynu ugu faani jirnay dimuqraadiyad ayaanu gaadhnay oo Soomaaliya iyo dalal badan waanu ka horreynaa ayaanay waxba ka jirin oo waxa innagu timmi dib u noqosho, dib u dhacaasina waxa masuuliyadiisa qaaday Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi”.

 

Dhinaca kalena, Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Yuusuf Keyse Cabdillaahi ayaa isaguna dib u dhaca doorashooyinka dalka ku eedeeyey Madaxweynaha, waxaanu yidhi “Xisbi mucaarid ahaan waxaanu u cadaynay Shacbiga Somaliland, Beesha Caalamka iyo cid kasta oo dannaynaysa Somaliland in aanu diyaar u nahay doorashooyinka, haddase waxa doonayn inay dalka doorasho ka dhacdo Madaxweynaha iyo Xisbigiisa Kulmiye”. Yuusuf waxa kale oo uu iftiimiyey dhibaatada ka imman karta dib u dhaca doorashada, “Waxaanu leenahay nidaamkii dimuqraadiga ahaa ee aynu ku soo caano-maalnay ee aanu dhawraynay ee ahaa laambad ka baxaysa Geeska Afrika, waxaan u mallaynayaa in aanu dib u sii baxayn sidaynu immika arkayno, ummadda waxaanu mar kale u cadaynaynaa inaanu diyaar u nahay doorashadii ee cidda isku qancisay in aanay doorashada dani ugu jirin waa Madaxweynaha oo doonaya in Golihii Deegaanka, Wakiillada Iyo Xukuumaddii oo muxaafid ah oo aanu dalkani yeelan mucaarid iyo toosin ba, laakiin shacbiga Somaliland waxaanu u sheegaynaa aqoonsigii aynu dunida ka sugaynay waxa u fiican in doorashooyinku dalka ka dhacaan”.

 

Ugu dambayntii, waxaynu la wada soconaa inay guud ahaan ay istaageen wada hadaladii iyo kulamadii u dhaxeeyey saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani, Ucid, sidaasi awgeedna xisbiyadii Qaranku isku mari waayeen oo ay isku khilaafeen xalka arrintaasi, ilaa haatana ma jiro xal laga gaadhay qabsoomida Doorashada iyo waliba dib u dhaca doorashooyinkii Gollayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee hore ugu muddaysnaa inay dalka ka qabsoomaan bisha saddexaad ee sanadka 2019, taasi oo noqonaysa arrin keeni karta sumcad xumo ba’an oo Somaliland ka soo gaadha Adduun weynaha iyo waliba danneeyayaasha Dimuqraadiyada iyo Doorashooyinka Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker