Muxuu Daaran Yahay Shirka Hogaamiyeyaasha Afrika Uga Furmaaya Adis Ababa
Adis Ababa(OWN)-Magaalada Addis Ababa ee caasimada Ethiopia waxaa ka furmaya shir ay yeelanayaan madaxda wadamada Afrika kaas oo looga hadlayo arimo badan oo quseeya iskaashiga qaarada Afrika.
Raโiisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wefdi uu horkacayo ayaa shirkan ka qeybgalaya isla markaana Soomaaliya ku matalaya shirka.
Dhinaca kalena wufuud ka kala socota wadamada Afrika ayaa ku qulqulaya magaalada Addis Ababa si ay uga qeyb galaan shirka.
Waxyaabaha la filayo in si gaar ah diirada lagu saaro shirka waxaa qeyb ka ah arimaha amniga,dhaqaalaha, siyaasadda iyo isbedel iyo dib u habeyn lagu sameeyo ururka ay ku bohoobeen wadamada Afrika ee EU.
Mudo sanado ah kadib waxaa la filayaa in dowlada Rwanda gaar ahaan madaxweyne Paul Kigame uu wareejiyo hogaankanka ururkan iyadoona sida la qorsheynayo hogaanka ururka ay la wareegi doonto dowlada dalka Masar.
Shirka ayaa la filayaa in uu socdo maalmo kooban iyadoona ugu dambeyn laga soo saari doono warsaxaafadeed ku saabsan waxyaabihii diiradda lagu saaray shirka inta uu socday.
Madaxweynayaasha dalalka South Africa, Zimbabwe, Botswana, Comoros, Togo and Ghana iyo kuwo kale,ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan shirka halka wadamo badan oo kalena ay uga qeyb gali doonaan wasiiro arima-dibadeedyadooda