Madaxweyne Biixi Oo La Filaayo Inuu Todobaadkan Safar Ugu Baxo Magaalada Burco + Ujeedada Safarkis.
Hargaysa-(OWN)-Madaxweynaha Somalilandย Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in markii ugu horeysay muddo sanad ah oo uu talada dalka hayey inuu todobaadkan safar ugu baxo gobalada bariga Somaliland gaar ahaan gobalka Togdheer .
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu xadhiga ka soo jari doono mashaariic gobalkaas laga hir galiyey kaas oo uu ka midย yahay jeel Wey ee magaalada Burco .
Ilaa hada ma cada In uu madaxweynuhu sii dhaafi doono magaalada Burco iyo inuu dib ugu soo laaban doona Caasimada Hargeysa .
Madaxweyne Biixi ayaa tan iyo markii la doortay oo laga joogo muddo sanad ah aan wax safar ah ugu bixin gobalada Bariga Somaliland balse safar ugu baxay magaalada Borama oo uu xaflada qalin jabinta ardeyย Jaamacada Camuud uu kala qeyb galay .