Webigii_Waalida
Wakhtiyadii Hore Waxa Jiray Magaalo Aad u Deganayd Amni Ahaan Iyo Mujtamac Ahaanba Waxaanay Lahayd Magaaladaasi Webi Dhex Maraย , Waxaana Hareerihiisu Lahayeen Dhir Aad U Quruxoon oo indhaha Soo Jiidanaya .
Dadyawga Magaaladaasi ku Noolaa Waxay biyaha Ka Cabi Jireen Webigaas , se Maalin Maalmaha Ka Mida Waxa Ka Dhashay Webigii Daacuun ! Kaas oo Loo Aqoonsaday Daacuunkii Waalida oo Qof Kasta oo Ka Cabay uu Ku Dambeeyay Waali , Taas oo Keentay in Bulshadii Deganayd Magaaladaasi Goobihii Ay Isugu Iman Jireen Inay Ku Dambeyaan Goobo Buuq Iyo Sawaxan Ka Dhasho Iyo Inay Noqdaan Dad Aan La Fahmayn Luqada Ay Ku Wada Hadlayaan Marka uu u Yimaado Qof Isagu Ka Badbaaday Cabida Biyaha Webigaas . Wakhti Yar ka Dib Waxa uu Cudurkii ku Faafay Bulshadii Deegaanka oo idil Waxaanu Isku Dayay Boqorkii Degaankaas Maamuli Jiray in uu la Tacaalo Cudurkaas Laakiin se Kuma uu Guuleysan .
Isaga Oo Boqorkaasi Ku Guda Jira Hawlihii La Tacaalida Ayaa Waxa uu Ku Yidhi Mid Ka Mida Wasiiradiisii ;- Meeday Boqoradii (Marwadiisii) ?
Wasiirkii :- Way Waalatay Mudane Waxaanay u Tegtay Dhakhtar Si Ay Ugu Sheegto In Ninkeedii Ama Boqorkii Waashay !
Boqorkii :- oo Halkee Joogaa Dhakhtarkaasi ?
Wasiirkii :- Isaguna uu Waashay Mudane …
Isaga oo Yaaban Ayaa Waxa uu Yidhi
Boqorkii:- Maye ilaaladii Qasrigu ?
Wasiirkii:- Dhamaan ilaaladii Qasrigu Iyaguna Way Waasheen … Isaga oo Sii Wata Hadalka Ku Daray
; Magaalada kuma Hadhin Cid Fayaw oo aan ka Ahayn Adiga iyo Aniga Mudane , Dadku Dhamaan Waxay Cabeen Biyihii Webiga Qofkii Aan Cabina Waxay u Arkaan In uu Yahay Qof Waalan .
Wuxuu Yidhi Boqorkii :- Waar Waa Maxay Waxan aad ku Sheekeynaysaa , iyagaa ka Cabay Webiga Iyagaana Cudurkaasi Saameyay Inagana Ka Bad Qabna !
Wuxuu ugu Jawaabay Wasiirkii :- …
.. Mudanahaygiiyaw iyagu Waxay u Arkaan in Qofkii Ka Cabay Webigaa uu Cudurkaa Ka Badbaaday oo aanu Saameyn Sidaasna ay Dhamaantood Uga Cabeen Webigaa Si ay u Wada Badbaadaan ! Inaguna Aynu Ku Noqonay Kuwo Iyagu Waalan Madaama aynaan Ka Cabin …….. ee Maxaynu nahay Mudanahaygiiyaw ! Aan ka ahayn Laba Dhagaxa Mooyee ….. Iyagaa Aqlabiyada Ah Iyagaana Xaqa , Cadaalada iyo Fadliga Iska Leh Iyagaana Imika Xadeynaya Farqiga Waalida Iyo Miirqabka U Dhexeeya ….
Boqorkii uu Fakaray Waxaanu Yidhi :- Haday Sidaas Tahay Anigana ii Dhiib Koob Biyahaa Webiga Ah Waayo Ku Noolaanshiyaha Waalida Ayaa Ka Mihiimsan Ku Noolaanshaha Miirqabka Dunida Waalida !
Halkaa Marka ay Marayso Ayaa waxa Talo Ku adkaatay Wasiirkii Markii Boqorkiisii Cabay Biyihii Webiga isagiina Ka Mid Noqday Bulshada inteedii Kale isna Waydiiyay Miyaan Ka Cabaa Aniguna Mise Waan Iska Miir Qabaa , Tolow Muxuu Dooran ? Ma Waalida Si uu Nolol Bilaa Qaxar Ah Ugu Noolaado Mise Miir Qabka Si uu Nolol Karaamo Leh Ugu Noolaado ?
Tusmada Sheekadan : Waa Hubaal in ay adag Tahay in La isku Doorsado Labadaa Masa’alo Marka aad Xaqa Hayso ee aad Ku Kaliyaysato Qanaacadaada Caafimaadka Qabta ama Fidradii Saafiga Ahayd , Marka intii Kugu Hareeraysnayd uu Saameysay aafadii Wax isdaba Marintu iyo Khiyaamadii , LaaLuushkii iyo Dhacii iyo Beentii intaasina ay Yihiin Qiyamka Hagaha Ama Manhajka Mujtamaca mid kasta oo naqdiya ama khilaafa uu Noqdo Mid isagii laga maadsado ama la naqdiyo ! Isagana loo arko Mid Waalan ! Halkaas Marka Ay Marayso Ayay Doorashado Banaan Tahay , Ma Waxaad Ka Mid Noqon Xanuunkaa Aafad Ah ee Bulshada Ku Faafay oo Waad Ka Cabi Webigaa , Mise Waxaad Ku Adkaan Mabaadiidaada , Caqligaaga Waanad Ka Fogaan Biyahaa Webigaa Waalida !
Ogsoonow in inbadan oo Xiqdi Ka Buuxo oo Ku Aafobay Waalidaa Ay ku Soo Hor Dhigi Doonaan Koobkaa Si Aad Iyaga Uga Mid Noqoto Se Ay Markaa Iman Doono Doorkaaga Aad Wax Ku Dooranayso .
Xigasho _:_Sucuud_Cabdi_Farah digtoorka nolosha