Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Maanta Cod U Qaadaya In Xayiraada Laga Qaado Eritrea.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta lagu wadaa inuu cod u qaado cunaqabateynta saaran dalka Eritrea, arrintan oo timid kadib markii xidhiidhkooda caadi ku soo noqday dalka Itoobiya ayna iso soo dhowaadeen Djibouti.
Wararka waxaa ay sheegayaan in isniintii la isku afgartay qaar ay Ingiriiska soo geliyeen oo ku aadan qaadista cunaqabateynta, taas oo saarneyd ilaa 2009-kii.
Qaraarka si uu ansax u noqdo waa loo baahanyahay 9 cod iyo in aanu codka vetoes ย adeegsan mid ka mid ah dalalka Mareykanka, Shiinaha, Ruushka, Ingiriiska iyo Faransiiska.
Cunaqabateynta la qaadayo waxaa ay kulmi-doontaa hubka, cunaqabateynta safarada, hantida la xayiray iyo arrimo kale.
Waxaa kale oo lagu baaqi-doonaa in la dhameeyo muranka waqti-dheer soo-jiitamayey ee Eritrea iyo Djibouti, kana wada shaqeeyaan is afgarad.