Baarlamaanka Carabta Oo Taageeray Doorka Haweenka Carabta Ee Ka Qeyb Galka Arrimaha Siyaasadda Iyo Dhaqaalaha.

Al-Qaahira -(OWN)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Dr. Mashcal Bin Faham ayaa soo saaray Bayaan uu kaga hadlayo taageerida dowrka haweenka Carabta ay ku leeyihiin ka qeyb galka arrimaha Siyaasadda iyo Dahaqaalha.

Wuxuuna intaa raaciyay in khudbada uu maanta ka jeedin doono shirka ay martigelinayso Boqortooyada Baxreyn uu ku soo qaadi doono arrintaasi la xidhiidhta xaquuqda Haweenka Carabta ee arrimaha horumarinrta bulshada Carabta si loo xaqiijiyo ayuu yidhi cadaaladda iyo kaalinta ay haweenku dhinacyadaasi ku leeyihiin iyo xuquuqdooda sharciga ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Dr. Mashcal Bin Faham wuxuu ugu dambeyntii cadeeyay inuu baarlamaanka Carabta ku taagan yahay sugidda iyo u hiilinta qadiyadda Haweenka Carbeed sidii ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen dhinacyada Siyaasadda ,Dhaqaalaha iyo Horumarinta Arriimaha Bulshada,wuxuuna intaa raaciyay in Baarlamaanka Carabta uu hore go’aano uga soo saaray xuquuqda haweenka iyo qanuunka gaar ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker